Magacyada Afar Xiddig Oo Liverpool Ah Oo Ganaax Ku Dhici Karo Kaddib

Afar ka mid ah ciyaartoyda Liverpool ayaa ganaax anshax xumo ku dhici karaa marka ay caawa garoonkooda Anfield ku qaabilaan Real Madrid.

Sadio Mane, Trent Alexander-Arnold, Gini Wijnaldum iyo James Milner ayaa dhamaantood seegi kara ciyaarta hore ee semi-finalka haddii ay kooxdooda Liverpool usoo gudubto oo ay caawa ka adkaato Real Madrid oo lugtii hore kaga soo badisay 3-1.

Tababare Jurgen Klopp ayaan waxba la hadhi doonin caawa, waxaana fikirkiisa  ka maqnaan doona in uu fiiriyo wareegga xiga, sababtoo ah halkan ayaabay halis ugu jiraan in ay ku hadhaan, waxaana laga doonayaa in ay dagaal adag galaan.

Dhamaan afartan ciyaartoy oo lagu daray kabtan Jordan Henderson ayaa min laba kaadh oo digniin ah la siiyey intii uu socday tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana haddii hal kaadh oo kale ay ku darsadaan ay ganaax ku maqnaan doonaan kulanka ugu soo horreeya.

Ma jirto koox ciyaartoydeedu ku jiraan khatar ka badan inta Liverpool ganaaxa kaga maqnaan karaysa haddii ay soo gudubto, laakiin Klopp ayaan haba yaraatee ka fikiri doonin waxa dhici doona kulanka kaddib, waxaanu kaliya awooddiisa iskugu geynayaa sidii ay kooxdiisu halgan ugu geli lahayd in ay guul soo laabasho ah ka gaadho Real Madrid.

Trent-Alexander Arnold iyo Wijnaldum ayaa udub-dhexaad u ahaa guulihii Liverpool ee tartanka Champions League ee ay halkan kusoo gaadheen, waxaanay ka mid yihiin shanta ciyaartoy ee waqtiga ugu badan ciyaaray Liverpool.

Dhinaca kale, Sadio Mane ayaa ka mid ah saddex ciyaartoy oo dhamaan kulamadii Champions League ee xilli ciyaareedkan saftay, halka James Milner uu ka mid yahay ciyaartoyda uu tababaruhu ugu kalsoonida badan yahay.

Si kastaba, Liverpool oo u baahan guul 2-0 ah si ay ugu gudubto wareegga semi-finalka, ayaa haddii ay soo gudubto ay dhamaan afarta ciyaartoy ee sare ku xusan ka maqnaan doonaan haddii ay min hal kaadh qaataan caawa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More