Magacyada 12 Ciyaartoy Oo Ka Tegaya Manchester United & Qorshaha
Xilli Manchester United isku diyaarinayso shaacinta heshiiska ay kula soo wareegayso laacibka reer England ee Jadon Sancho, waxa kale oo jira ciyaartooyo shandaddooda xidh-xidhanaya oo isku diyaarinaya inay kooxda ka tagaan.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa qarka u saaran inuu helo saxeexii uu muddada sannadka ka badan raadinayay ee Jadon Sancho oo labada kooxood ee United iyo Dortmund ay heshiis isfaham ah ka gaadheen iibkiisa laakiin ay wali dhiman tahay dhamaystirka xaalxaal yar oo ay ka mid tahay in Red Devils ay shubto lacagta.
Warbaahinta Maraykanka ee ESPN ayaa sheegtay, in imaantinka Sancho ee Old Trafford uu albaabkaka saari doono ciyaartooyo tiradoodu gaadhayso 12 laacib oo kooxda koowaad ah, kuwaas oo qaarkood muhiim u yihiin kooxda.
Ciyaaryahannadan ayaa waxa ugu horreeya Donny van de Beek oo Manchester United ay sannad ka hor kasoo iibsatay Ajax laakiin kursiga kaydka ku dhamaystay 12kii bilood ee u horreeyey.
Van de Beek ayay boos la’aani ku dhacday iyadoo Paul Pogba, Scott McTominay iyo Fred ay ahaayeen ciyaartoyda khadka dhexe ee sida joogtada ah uu u isticmaalo Ole Gunnar Solskjaer, waxaana u dheerayd in fursado la siiyey uu ka faa’iidaysan waayey.
Weeraryahanka reer France ee Anthony Martial ayaa isaguna kusoo baxay liiska ciyaartoyda ka tegaysa Manchester United. Laacibkan ayaa xilli ciyaareedkii tegay uu u ahaa mid aad u xun oo dhaawacyo iyo qaab ciyaareed liita uu la yimid.
Waxa kale oo liiskan warbaahinta ESPN ay soo bandhigtay ku jira ciyaaryahannada amaahda kaga maqan United ee Jesse Lingard, Diogo Dalot iyo Andreas Pereira.
Nemanja Matic oo ay doonayso AS Roma oo uu u gacan haadinayo Jose Mourinho ayaa isaguna tegaya maadaama uu xilli ciyaareedkii tegay kaydka ku qaatay oo Pogba, McTominay iyo Fred ay ka lahaayeen mudnaanta, sidoo kalena imaatinka Sancho uu xaaladdiisa Old Trafford sii xumayn karo.
Si lama filaan ah, waxa liiskan ugu soo baxay xiddiga reer France ee Paul Pogba oo heshiiskiisa 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin. United ayaa la sheegayaa inay wada-hadallo kula jirto laacibkan, laakiin haddii xagaagan uu heshiis cusub ogolaan waayo, Pogba ayaa bisha January si xor ah ula saxeexanaya kooxda uu doono iyadoo uu waliba si xor ah uga tegi doono Red Devils xagaaga dambe.
Warka ayaa intaa ku daray in United ka fikirayso sidii aanu Pogba qaab bilaash ah ugaga tegi lahayn, go’aankuna wuxuu yahay in la iibiyo kaddib tartanka Euro haddii uu heshiis cusub ogolaan waayo.
Ciyaaryahanadda da’da yar ee tegaya
Manchester United ayaa amaah ku diraysa shan ciyaartoy oo da’yar ah laakiin qayb kasoo noqday safka kooxda koowaad xilli ciyaareedkii tegay.
James Garner, Amad Diallo, Shola Shoretire, Anthony Elanga iyo Hannibal Mejbri ayaa intaba amaah lagu bixinayaa.