Magaca Kooxda Weyn Ee Uu Wadahadalada QARSOON La Yeeshay

7

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo sir ah oo qarsoon la yeeshay kooxda dalkiisa France ee Paris Saint-Germain oo doonaysa inay bedel uga dhigto Thomas Tuchel oo hadda ka taliya kooxdeeda.

- Advertisement -

Shaqada tababare Tuchel ee gegida Parc des Princes ayaa ah mid halis weyn ku jirta kaddib markii ay qaab gaabis ah kooxdu xilli ciyaareedkan ku bilaabatay.

Sidoo kale shaqada Zidane qudheeda ayaan ahayan mid lugo adag ku taagan marka dhinac laga eego walow uu Sabtidii guul weyn oo El-Clasico ah uga keenay dhigooda Barcelona.

Real Madrid ayaa sanadkii 2016 shaqada ka caydhisay ninkii uu Zidane bedelay ee Rafa Benitez waxaana uu macalinka French-ka ah tan iyo wakhtigaas usoo ahaa Los Blancos mid guulo u keenay isaga oo saddex Champions League oo xidhiidh ah iyo horyaal La Liga ah u keenay.

Sanadkii 2018 gaar ahaan bishii May ayay ahayd markii Zidane uu iska casilay jagada Estadio Santiago Bernabeu balse waxa uu kusoo laabtay March 2019 isaga oo markale xilli ciyaareedkii hore horyaalka La Liga ku guuleeyay.

Si kastaba, booska Zidane ayaa toddobaadyadan ugu dambeeyay noqday mid markale muran ku jiro gaar ahaan kaddib labadii guuldarro ee is-xigay ee Cadiz iyo Shakhtar Donestk.

Hadda madaxa wargeyska Ok Diario ee Eduardo Inda ayaa ku dooday inuu Zidane wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay Paris Saint-Germain balse uu u caddeeyay inuu ku faraxsan yahay shaqadiisa haatan ee Los Blancos.

Ugu dambayn, xidhiidhka uu tababare Tuchel la leeyahay madaxda sarre ee PSG ayaa noqday mid xun kaddib markii ay ku fashilmeen inay usoo xoojiyaan safka uu haysto suuqii dhawaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More