Madaxweyne Erdogan Oo Xalay Taleefan Ku Wacay Basaksehir

Waxa xogo cusub oo miisaan culusi kasoo baxayaan kulankii xalay isaga oo socda baaqday ee Paris Saint-Germain vs Istanbul Basaksehir markaas oo ay xiddigaha labada kooxood iskaga dareereen garoonka Parc des Princes.

Garsooraha afraad ee kulankaas ee Sebastian Coltescu ayaa la sheegayaa inuu cunsuriyad kula kacay tababare ku xigeenka Istanbul Basaksehir ee Pierre Webo isaga oo ku yidhi “Ninkan madaw”

Intaas kaddib xiddigaha kooxda Turkey-ga ah ayaa muujiyay dareen cadho oo aad u weyn waxaana hoggaaminayay weeraryahanka Muslimka ah ee Demba Ba oo isagu caan ku ah ka hadalka arrimaha lidka ku ah diinta islaamka iyo bini aadanimadaba.

Sidoo kale xiddigaha PSG qudhooda ayaa kaddib marka ay xaqiiqsadeen sida ay wax u dhaceen go’aan ku gaadhay inaysan ka hadhin dhigooda Istanbul oo ay iskaga baxaan garoonka.

“Ma ka dhabaa? waanu xaroonaynaa, waanu xaroonaynaa, waa sidaas, waanu xaroonaynaa” ayuu yidhi daafaca PSG ee Presnel Kimpembe oo codkiisa la duubay.

Haddaba, warka xiisaha leh ayaa ah mid hadda kasoo yeedhay saxafi Alessandro Alciato oo ka hawl gala Sky Sports Italia kaas oo sheegay in mid kamida ciyaaryahanada Basaksehir uu u sheegay in go’aanka aysan garoonka ugu laabanayn uu iyaga ka sarreeyo.

Saxafiga ayaa sheegay in ciyaaryahanka oo uusan magaciisa xusin uu u sheegay in madaxweynaha dalka Turkey-ga ee Recep Tayyip Erdogan uu u sheegay inaysan ku laabanin garoonka lagu cunsuriyeeyay.

Walow uu garsooraha afraad ee dhacdada sameeyay yahay mid dalka Romania kasoo jeeda, haddana xidhiidhka France iyo Turkey-ga ayaan ahayn mid wanaagsan dhawaanahan iyadoo labada kooxood ay garoonka in badan ku dhex dagaalameen lugtii hore ee Istanbul ka dhacday.

Intaas waxa dheer in madaxweyne Erdogan uu xidhiidho dhaw la leeyahay Basaksehir oo uu taageere u yahay isla markaana uu maaliyadeeda ku ciyaaro marka uu kubadda cagta ciyaarayo.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More