Macalinka Hurdada Ee Cristiano Ronaldo Oo Sharaxay Sababta U
Macalinka hurdada ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in sababta uu Cristiano Ronaldo u hurdo lix jeer oo min 90 daqiiqo ah maalin walba inay ahay mid ka caawineysa soo kabsashadiisa.
Ninka ku takhasusay hurdada Nick Littlehales ayaa la shaqeynayay Ronaldo tan iyo markii uu xiddigaan joogay Real Madrid.
Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa loo sheegay inuu maalintii seexdo shan ama lix jeer oo min 90 daqiiqo ah iyo inuu ku seexdo mar walba furaash cusub oo nadiif ah.
Littlehales ayaa sheegay in sababta uu intaas jeer u seexdo Cristiano Ronaldo inaysan aheyn caajisnimo balse ay tahay mid ka caawineysa inuu soo kabsado marka uu shaqo adag ku soo sameeyo tababarka.
Wuxuu u sheegay jariirada reer Portugal ee Record: “Ma ahan indho caseys oo ay sameeyaan dadka da’da weyn ee daawada TV-ga.
“Waa hab uu in yar ku hurdayo balse ka caawineysa soo kabsashadiisa.
“Ciyaaryahanadda kubada cagta waxay leeyihiin nolol u gaar ah. Isboortiga ay ciyaareen wuxuu leeyahay jadwal ciriir ah, waana mid sidaas sii ahaan doonta.
“Ciyaartoy badan oo da’ yar oo aan la shaqeeyo waxay la dhibtoodaan cudurka hurdo la’aanta, walwal iyo walbahaar, waana qeyb ka mid ah dunida isboortiga.”
Littlehales wuxuu sidoo kale la shaqeeyay Manchester City iyadoo ay adeegiisa soo codsadeen kooxaha kale ee Premier League, kooxaha kubada Kolayga Mareykanka ee NBA iyo NHL.
Laakiin markii ugu horeysay ee uu shaqadaan bilaabayay wuxuu ka bilaabay kubada cagta isagoo warqad u qoray Sir Alex Ferguson una bandhigay inuu caawin karo ciyaartoydiisa.
Waxay taasi ku hogaamisay inuu sidoo kale dalab ka helay Carlo Ancelotti markii uu joogay Real Madrid markaasoo uu noqday macalinka hurdada ee Cristiano Ronaldo.
Weeraryahanka Juventus oo 35 sanno jir ah ayaa sidoo kale joojiyay inuu taleefan ama TV daawado saacad iyo bar ka hor waqtiga hurdada.
Xiddigii hore ee Chelsea Michael Essien ayaa mar sheegay inuu u baahnaa 14 saacadood oo hurdo ah maalintii si uu u hibiyo inuu awood iyo tamar u leeyahay ciyaaraha,