“Maalin Ayay Soo Bixi Doontaa Runta Mesut Ozil…..” –

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ee Jack Wilshere ayaa sheegay inuu rumaysan yahay inay maalin uun soo bixi doonto xaqiiqada Mezut Ozil oo Arsenal ay ka saartay liiska kooxdeeda, isla markaana lagu cadaadinayo inuu iskaga baxo Emirates Stadium.

Mikel Artyeta ayaa u muujiyey Ozil cadaawada iyo naxariis la’aan, waxaanu ka tirtiray liiska kooxdiisa ciyaaraysa kulamada Premier League iyo Europa League ee xili ciyaareedkan, laakiin kooxdiisa ayaa dhibaato ku dhex jirta iyadoo ay taageereyaashuna la safan yihiin Ozil.

Wilshere oo ay sannado khadka dhexe uga wada ciyaareen Arsenal xiddiga reer Germany ee Ozil, ayaa waxa uu rumaysan yahay in 32 jirkani uu kasoo kaban doono dhibaatada lagu sameeyey oo uu meel kale dib iskugu muujin doono, laakiin uu jiro arrin qarsoon oo xaqiiqadiisu ay maalin bannaanka iman doono.

“Xiddig weyn ayuu u ahaa kooxdaas, waxaanan jeclaan lahaa inaan mar kale arko isagoo Ozil u ciyaaraya kooxdaas oo uu Artetana joogo, laakiin way iska caddahay in aanay taasi waqtigan dhacayn. Wuxuu kubadda u samayn lahaa Aubameyang iyo Lacazette.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Wilshere.

Laacibkan reer England oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray: “Waan jeclaa inaan la ciyaaro, waxaanu ahaa ciyaartoy sare. Waa wax laga xishoodo laakiin wixii dhacayaa way dhacayaan, cidina ma garan karto, balse waxaan hubaa in maalin uu qof walba ogaan doono xaqiiqada.”

Arsenal ayaa kulamadii ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League guul-darrooyin la kulmaysay, waxaana loo diiwaangeliyey rikoodhkii ugu xumaa muddo 39 sannadood ah.

Marka la eego rikoodhka Mikel Arteta, waxa uu kasii xun yahay midkii tababarihii shaqada uga horreeyey ee Unai Emery, taas oo walaac ku haysa jamaahiirta.

Kaalinta 14aad ayay ku jirtaa hadda iyadoo haysata 13 dhibcood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More