Ma Yahay Midkii Xalin Lahaa Dhibta Daafaca Man
Xalinta dhibaatooyinka daafac ee Manchester United ayaa ah kuwo aad uga dhex guuxaya tababare Ole Gunnar Solskjaer kahor suuqa xagaaga soo socda waxaana hadda soo baxay xogo sheegaya in uu bar-tilmaameed ka dhiganayo daafaca dhexe ee Villarreal ee Pau Torres.
Daafaca ree Spain oo kamida xiddigaha ugu muhiimsan ee uu tababare Unai Emery ku haysto Villarreal ayaa dhawaan lagu daray liiska xiddigaha Spain uga qayb galaya kulamada isreeb-reebka koobka aduunka ee 2022.
Warbixin cusub oo lagu qoray wargeyska Manchester Evening News, Solskjaer ayaa doonaya saxeexa daafac dhexe oo uu lamaane uga dhigo Harry Maguire waxaana ay ishiisu qabatay Torres.
Solskjaer ayaa doonaya daafac dhexe oo uu ku tiirsanaan karo marka ay noqoto dhinaca taam ahaanshaha xilli ay Eric Bailly iyo Victor Lindelof ku dhiban yihiin inay kulamo badan taam u ahaadaan si xidhiidh ah.
Marka la eego xaqiiqada ah inuu yahay mid xawaare badan oo lagu daray inuu ku fiican yahay baaska oo uu si degen u ciyaari karo iyo waliba inuu yahay mid lugta bidix ku ciyaari karo ayaa ah calaamado dhab ahaan caawin kara daafaca Man United.
Manchester Evening News ayaa sheegaya in Torres uu soo dhawayn lahaa ku biirista Manchester United oo aysan diidayn balse taas ayaan ahayn mid kooxda ku ciyaarta Old Trafford u balan-qaadaysa inay helayaan ciyaaryahanka.
Red Devils ayaa tartan kala kulmi doona kooxo ay ugu horreyso Real Madrid oo mudoba si dhaw ula socotay horumarkiisa isla markaana aan wali meel ku hubsan heshiis kordhin uu Sergio Ramos u sameeyo.
Sidoo kale waxa jira warar saxeexiisa la xidhiidhinaya kooxaha kala ah Manchester City iyo Bayern Munich oo iyadu waayaysa David Alaba.