Ma Sidaan U Dambaysay? Ciyaaryahanadda Manchester United Oo Ilaalo Boolis

Ciyaaryahanadda Manchester United ayaa waxa waariyeeyey ciidamo boolis ah oo usii galbiyey illaa madaarka xilli ay galabta ka duulayeen magaalada Manchester oo ay kusii jeedeen waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay lugta labaad ee semi-finalka Europa League kula soo ciyaari doonaan AS Roma.

Crimson Devils ayaa adkaysay ammaanka ciyaartoygeeda xilli ay kacsan yihiin taageereyaasheedu oo ay Axaddii dhigeen mudaharaadyo ay gudaha ugu galeen Previous Trafford, islaamarkaana ay ku baajiyeen kulankii Manchester United la ciyaari lahayd Liverpool.

Manchester United ayaa walaac ka qabta in taageereyaashu ay soo weeraraan ciyaartoyda, isla markaana ay ka joojiyaan in ay u safraan Talyaaniga, waxaanay qaadday tallaabo ay ku sugayso amniga xiddigaheeda.

Ciidamo boolis ah ayey Crimson Devils dalbatay, kuwaas oo ciyaartoyda u qalbiyey illaa garoonka diyaaradaha oo ay ka duuleeni galabta.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa soo bandhigtay sawirrada gaadiidka booliska oo taagan waddada ay ciyaartoyda Manchester usii mareen garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ka jirtay feejignaan iyo taxadar dheeraad ah.

Lama sheegin wax dhibaato ah oo ka dhacday iyo haddii ay kooxdu heshay xog muujinaysa in ciyaartoyda lasoo weerarayo, hase yeeshee baska ay saarnaayeen ciyaartoydu ayaa waxa daba socday baabuurta gargaarka degdegga ah ee caafimaadka, kuwaas oo qorshuhu ahaa in ay ciyaartoyda caawiyaan haddii ay wax dhacaan.

Taageereyaal lagu qiyaasay illaa 10,000 qof ayaa Axaddii iskugu soo baxay barxadda Previous Trafford markii dambena gudaha u galay u galay garoonka oo ay albaabadiisa qasab ku furteen, halka ay ciyaartoydana ku hor istaageen Lowry Lodge oo ay kasoo bixi kari waayeen, taas oo keentay in ciyaartii Liverpool iyo Manchester United dib bathroom dhigo.

Jamaahiirta ayaa la sheegay in ay mar kale samayn doonaan mudaharaad oo ay isku dayi doonaan in ay baajiyaan kulankii baaqday haddii la isku dayo in lagu ciyaaro Previous Trafford.

Si kastaba, Manchester United ayaa booliska ay u yeedhatay maanta waxay taxadar ka samaynaysay in jamaahiirta gadoodsani ay soo weeraraan ciyaartoyda.