Ma Joogtaa Ingiriiska? Fasax Ayaad Tahay Maalinta Axadda, Kaliya Daawo

Ra’iisal wasaaraha waddanka Ingiriiska ee Boris Johnson ayaa ka fiirsanaya in maalinta Axadda uu ku dhawaaqo in guud ahaan dalkaasi fasax yahay, si ay dadku u daawadaan ciyaarta taariikhiga ah ee finalka Euro 2020.

Ingiriiska ayaa yimid finalkii ugu horreeyey ee dhamaan koobabka waaweyn [Euro iyo Koob Adduun] markii u horreysay muddo 55 sannadood ah, waxaana ugu dambaysay 1966kii oo ay Koobka Adduunka qaadeen.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in guud ahaanba dalkaas lagaga dhawaaqayo maalin fasax qaran ah oo dhamaan dadku xor ka yihiin shaqooyinka.

Bisha August ayaa waddanka Ingiriiska ay ka jirtaa maalinta fasaxa, laakiin waxay masuuliyiinta dalku ka fiirsanayaan in ay soo kordhiyaan maalin kale oo noqonaysa Axadda, taas sidoo kale la joojinayo xayiraadihii la xidhiidhay Korona Fayraska.

Boris Johnson ayaa loo gudbiyey codsi ‘Petition’ ay in ka badan 300,000 qof saxeexeen oo ay ku dalbanayaan in maalin fasax la geliyo dalka, si ay u daawadaan ciyaarta England iyo Italy, isla markaana ugu dabbaal-degaan Koobka haddii ay ku guuleystaan.

Xafiiska Downing Street ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan, balse warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay inay u badan tahay in fasax la geliyo waddanka, isla markaana ay 32 milyan oo qof oo shaqaale ahi maalinta Isniinta daawan doonaan ciyaarta, kuwaas oo bannaannada iskugu soo bixi doona haddii dalkoodu ku guuleysto koobka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More