“Ma Jirto Cid Warkaaga Aamintay” – AxadleTM.net
Frank Lampard ayaa sheegay inaysan run aheyn sheegashada Jurgen Klopp ee ah in Chelsea ay ugu cadcadahay hanashada Premier League isagoo sheegay in Liverpool iyo Manchester City ay weli yihiin kooxaha ku tartamaya horyaalka.
- Advertisement -
Chelsea ayaa u muuqata mid guraneysaa miraha lacagtii badneyd ee ay qarashgareeyeen suuqa kala iibsiga iyagoo ku jira kaalinta 3aad islamarkaana labo dhibcood ka danbeeya Tottenham iyo Liverpool.
Blues ayaan sagaal kulan oo isku xigta laga badinin horyaalka, iyadoo Klopp uu la dhacay qaab ciyaareedka wiilashada Lampard kuwaasoo sidoo kale u soo baxay wareega 16ka Champions League iyadoo labo kulan ay uga harsan tahay wareega group-yada.
Shir jaraa’id uu qabtay Klopp ayuu ku sheegay in kooxda Chelsea ay ugu cadcadahaya inay koobka horyaalka ka fara maroojiso Liverpool.
Lampard ayaa maanta la weydiiyay inuu wax ka yiraahdo hadalka Klopp, isagoo yiri: “Ma hubo inay jirto cid aamintay hadalkiisa.
“Waxaan qabaa in Liverpool iyo Manchester City ay weli yihiin kooxaha ugu cadcad horyaalka marka la eego sida ay u dheelayeen seddex sannadood ee ugu danbeysay iyo ciyaartoyda ay heystaan.
“Xitaa iyadoo dhaawacyo uu jiro, marka aad eegtay kooxda Liverpool waxay habeen walba soo safi karaan ciyaartoy dabooli karta kuwa dhaawacan.
“Waxay heystaan koox weyn si la mid ah kooxaha sarre ee Premier League. Tottenham tartanka waa ay ku jirtaa si la mid ah Manchester United iyo kuwa kale, waa mid aad la isagu dhow yahay.”