Luka Modric Oo Laba Rekoodh Oo Taariikhi Ah Ku Samaystay Croatia &
Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa xog cajiib ah kusoo diiwaan gashaday kulankii uu xalay wareega 16-ka EURO 2020 ugu soo saaray dalkiisa isaga oo ka caawiyay inay booska 2-aad kaga dhammaystaan Group-kooda.
Modric ayaa marka laga yimaado inuu qaab ciyaareed il-qabad leh kasoo sameeyay ciyaartaas dhinaca kale kasoo diiwaan gashaday laba rekoodh oo taariikhi ah oo xulka Croatia leeyahay.
Labadaas rekoodh ayaa ah in Modric yahay xiddiga ugu da’yar (22 sano) ee abid gool uga dhaliya xulka Croatia tartamada Euros iyo waliba inuu yahay isla xiddiga ugu da’da weyn (35 sano) ee Croatia gool uga dhaliyay Euros.
Dhinaca kale marka la eego qaab ciyaareedkiisii kulankii xalay Luka ayaa ahaa midka taabashooyinka ugu badan ka sameeyay kulanka isaga oo 115 jeer kubadda taabtay.
Dhinaca kale waxa uu hoggaaminayaa tirada baasaska ugu badan ee kulankaas laga dhiibay isaga oo 98 baas soo dhiibay halka uu 3-da gool ee dalkiisa midna soo dhaliyay midna soo caawiyay.