Luis Suarez Oo Mar Kale Laga Helay Korona Fayras Xilli

Luis Suarez ayaa seegaya kulanka adag ee Kooxdiisa Atletico Madrid ay kula ballansan tahay naadiga koobka difaacanaya ee Bayern Munich, kaddib markii baadhitaan kale oo lagu sameeyey lagaga helay xanuunka Covid-19 oo ku dhacay waqti uu xulka qarankiisa kula sugnaa kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Tababare Diego Simeone ayaa aad ugu baahnaa inuu helo Suarez ciyaartan si ay sare ugu soo qaadi karaan rajada ay ugu gudbi karayaan wareegga 16-ka oo ay usoo labayn karaan Munich, balse waxay u baahan yihiin guul ay ka gaadhaan ciyaartan iyo inay ku ducaystaan in laga badiyo naadiga kaalinta saddexaad kusoo jira ee Lokomotiv Moscow.

Baadhitaan lagu sameeyey Suarez ayaa waxa lagu ogaaday in wali uu Fayrasku ku jiro jidhkiisa, taas oo ka dhigan inuu gurigiisa ka daawan doono ciyaartan.

Waxa kale oo wali xanuunsanaya Lucas Torreira oo ay Uruguay kasoo wada qaadeen xanuunka saaxiibkii Luis Suarez, waxaana ku wehelinaya dhawr ciyaartoy oo kale oo iyaguna dhaawacyo qaba.

Atletico Madrid oo laba barbarro ah oo isku xiga la gashay Lokomotiv Moscow, kaliyana hal mar soo guuleysatay ayaa waxa kale oo dhaawac uga maqan Diego Costa.

In Suarez uu maqan yahay ayaa waxay ka dhigan tahay in ciyaartii afraad oo xidhiidh ah uu ku seegayo xanuunkan tan iyo markii uu kusoo laabtay magaalada Madrid laba toddobaad ka hor.

Saddexda ciyaarood ee uu hore uga maqnaa ayaa waxay ahaayeen Valencia, Lokomotiv Moscow iyo sidoo kale naadigiisii hore ee Barcelona oo aanu waajihin.

Sidan oo kale waxay hore ugu dhacday xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo xanuunkan lagaga helay dhawr baadhitaan oo midkii u dambeeyey la filayay inuu taam noqdo balse haddana  fayrasku uu jidhkiisa kusoo jiray, isla markaana seegay ciyaartii Juventus iyo Barcelona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More