Luis Enrique Oo Shaaciyey Liiska Xulka Qaranka Spain Ee

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulka dalkiisa ee kulamada UEFA Nations Leagu iyo saaxiibtinimo ee bishan November.

Luis Enrique ayaa u yeedhay 25 ciyaartoy oo qaarkood ay kasoo kaceen xanuunka Korona Fayraska oo ay ku seegeen kulamadii bishii October, lagana saaray xulka xilli aan xataa beddelkooda la diyaarsanin.

Waddanka Spain ayaa la ciyaari doona Netherlands oo ay kulan saaxiibtinimo isku haleeli doonaan ka hor inta aanay u dhaqaaqin kulamada UEFA Nations League ee Switzerland iyo Germany.

Alvaro Morata oo dib ugu soo nolaaday Juventus, isla markaana goolal badan dhaliyey ayaa dib loogu yeedhay xulka. Waxa kale oo tababare Luis Enrique uu kusoo celiyey Koke, Inigo Martinez iyo Marco Llorente.

Laakiin waxa gebi ahaanba laga yimid xiddigaha Rodrigo Moreno, Jose Campana, Diego Llorente, Dani Ceballos iyo Thiago Alcantara, waxaanay xiddigahani iskugu jiraan kuwo dhaawac ah iyo kuwo aan kooxahooda u ciyaarin bishii October oo bandhiggoodu liitay.

Alvaro Morata ayaa la filayaa inuu xallin doono dhibaatada goolal la’aanta ee xulka Spain haysata, kaddib guul-darradii ugu dambaysay ee waddanka Ukraine uu ku garaacay 1-0 bishii October.

Diego Llorente ayaa isaguna dhaawac ahaa tan iyo markii uu tegay Leeds Unitedl, waxaana fursaddaas ka faa’iidaystay Inigo Martinez oo u ciyaara Athletic Bilbao, dibna u helay booskiisa xulka qaranka.

Luis Enrique waxa uu mar kale kalsooni u muujinayaa goolhayaha Chelsea ee Kepa Arrizabalga oo booskiisii kooxda uu kala wareegay Edouard Mendy oo bandhig cajiib ah muujinayay intii uu yimid, isla markaana aan shabaqiisa kubbad la taabsiinin.

Fabian Ruiz ayaa boos ka helay xulka qaranka, waxaana uu beddelay Thiago Alacantara oo dhaawac ah, iyadoo kulamadii bishii horena ay labadooduba ku seegeen xanuunka COVID-19 oo laga helay.

Spain ayaa Arbacada toddobaadka dambe oo ku beegan November 11, waxay magaalada Amsterdam kula ciyaari doonaan Netherlands kaddibna waxay isku diyaarin doonaan kulamada UEFA Nations League.

Maalinta Sabtida ee November 14, waxay magaalada Basel isku haleeli doonaan Switzerland, kaddibna waxay Estadio de la Cartuja ee magaalada Seville ku marti gelin doonaan waddanka Germany marka ay taariikhdu tahay November 17 oo ku beegan maalin Salaasa ah.

Liiska xulka qaranka Spain oo dhamaystiran:

Goolhayeyaal: David de Gea, Unai Simon, Kepa Arrizabalaga.

Difaac: Jesus Navas, Sergi Roberto, Sergio Ramos, Pau Torres, Eric Garcia, Inigo Martinez, Jose Luis Gaya, Sergio Reguilon.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Rodri Hernandez, Mikel Merino, Fabian Ruiz, Sergio Canales, Koke, Marcos Llorente.

Weerarka: Alvaro Morata, Ferran Torres, Dani Olmo, Mikel Oyarzabal, Gerard Moreno, Ansu Fati, Adama Traore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More