Liverpool Oo Uu Ka Tegayo Xiddigii Jabiyey Taariikhdeeda Ee

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa bixitaan u diyaarinaysa xiddigeedii khadka dhexe ee isku qoray taariikhda kaddib gool layaab lahaa oo uu u dhaliyey shan sannadood ka hor, kaas oo ay ku bixinayaan amaah sannad ah.

Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya in ciyaaryahannada da’da yar ee soo koraya ee u baahan waqti ciyaareed iyo fursado ee aanu Anfield uga helaynin intaas ba, in ay ku baxaam amaah oo ay tagaan naadiyo yaryar oo ay boos joogto ah ka helaan.

Xiddiga da’da yar ee Ben Woodburn oo sannadkii 2016 lagu qoray taariikhda Liverpool kaddib markii uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee abid gool u dhaliya, ayaa xilli ciyaareedkan bilaabmaya lagu dirayaa  amaah.

21 jirkan ayaa kala dooranaya tiro kooxo dalabyo kasoo gudbiyey oo waddamada Denmark, Croatia iyo sidoo kale Scoland ah, waxaana ugu cadcad kooxda Hearts oo loo badinayo inuu doorto.

Laacibkan oo ka tirsanaa xulka qaranka Wales ayaa kusoo biiray Juventus isagoo ay da’diisu tahay 7 jir, waxaanu taariikhda kooxda baal-dahab ah ka galay November 2016, markaas oo isagoo beddel kusoo galay uu dhaliyey gool, sidaasna uu ku noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee gool u dhaliya Liverpool.

Waxa uu jiray 17 sannadood iyo 45 maalmood oo kaliya markii uu garoonka Anfield gool kaga dhaliyey Leeds United kulan ka tirsanaa tartanka League Cup/Carabao Cup. Sidoo kale, xulka qaranka Scotland oo loogu yeedhay bishii xigtay ee September 2017 ayuu ka noqday ciyaartoydii labaad ee ugu da’da yaraa ee abid u ciyaara.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More