Liverpool Oo Ku Dhawaaqaysa Saxeexyada LIX Ciyaaryahanadda, Roberto

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay ku dhawaaqdo lix saxeex oo ay waqtiga ugu kordhinayso xiddigaheeda waaweyn maalin kaddib markii uu Trent Alexander-Arnold qalinka ku duugay qandaraas cusub oo shan sannadood ah.

Alexander-Arnold oo 22 jir ah, ayaa waxa uu xaqiijiyey mustaqbalkiisa Anfield ee illaa sannadka 2025, waxaana inkasta oo aanay kooxdu si rasmi ah u shaacin haddana ay warbaahinta Ingiriisku sheegayaan in uu da’yarkani ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mushaharka badan Anfield.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in agaasimaha ciyaaraha Liverpool ee Michael Edwards uu ku jiro maalmo mashquul badan oo uu ka shaqaynayo sidii uu kooxda uga saari lahaa madmadowga mustaqbalka xiddigaha waaweyn oo uu ugu qancin lahaa in ay heshiisyo cusub saxeexaan.

Xiddigaha qandaraaska cusub loo bandhigay ee la filayo in ay maalmaha soo aaddan saxeexaan waxa ka mid ah Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo saxeexi doona heshiis kusii hayn doona Liverpool sannado kale, xilli sare loo qaadayo mushaharooyinkooda.

Laakiin laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda heshiiska cusub saxeexaya, waxaanu wali diiddan yahay in uu sida laacibiinta kale ee kooxda uu ogolaado in uu qandaraaska u dheereeyo naadigiisa.

Saddexda weeraryahan ee Firmino, Salah iyo Mane ayaa Liverpool u dhaliyey 42 gool oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkii hore, hase yeeshee laacibka reer Brazil ayaa lagu soo warramayaa in uu hoos iskaga dhigay dalab heshiis cusub oo ay kooxdiisu u bandhigtay iyadoo heshiiskiisa horena ku ekaa sannadka 2023 xilli ay Mane iyo Salah ogolaadeen.

Goolhaye Alisson Becker, difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk iyo difaaca bidix ee Andy Robertson ayaa ku jira ciyaaryahannada heshiiska cusub saxeexi doona.

Ciyaaryahanadda lixaad ee heshiiska cusub loo bandhigay ee ogolaaday ayaa ah laacibka khadka dhexe ee Fabinho.

Dhinaca kale, kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa isagana mustaqbalkiisa Anfield uu madmadow soo galay, kaddib markii ay istaageen wada-hadallo bilowgii xagaagan ay Liverpool la furtay, balse ay labada dhinac isku af-garan waayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More