Liverpool Oo Hoggaanka Horyaalka Premier League La

Liverpool ayaa hoggaanka horyaalka Premier League ula wareegtay si ku meelgaadh ah kaddib markii ay 2-1 ku garaacday West Ham United oo ay ku soo dhoweysay garoonka Anfield.

West Ham ayaa gool kaga naxsatay Liverpool bilowgii ciyaarta kaddib laag awood badan oo bannaanka xerada ganaaxa uu kaga toogtay goolhaye Alisson, waxaase ka daba yimid oo rikoodhe ugu barbarreeyey Liverpool laacibka reer Masar ee Mohamed Salah.

Diogo Jota oo beddel kusoo galay ayaa Liverpool u dhaliyey gool daqiiqado kooban markii uu garoonka ku jiray balse VAR ayaa ka diidday, ka hor intii aanu goolka guusha oo aanu muran gelin saxeexay shan daqiiqadood markii ay ka dhinnayd ciyaarta.

Guushan ayaa Liverpool siisay inay hoggaanka horyaalka si ku-meelgaadh ah ula wareegto iyadoo yeelatay 16 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka horreysaa Everton oo berri ciyaaraysa oo haddii ay badiso farqiga goolasha mar kale hoggaanka kula wareegi doonta.

Shaxda labada kooxood

WEST HAM XI (5-4-1): Lukasz Fabianski; Vladimir Coufal, Fabian Balbuena, Angelo Ogbonna, Aaron Cresswell, Arthur Masuaku; Jarrod Bowen, Tomas Soucek, Declan Rice, Pablo Fornals; Sebastien Haller.

Kaydka: Said Benrahma, Darren Randolph, Robert Snodgrass, Ryan Fredericks, Issa Diop, Andriy Yarmolenko, Manuel Lanzini.

LIVERPOOL XI (4-3-3): Alisson; Andrew Robertson, Nathaniel Phillips, Joe Gomez, Trent Alexander-Arnold; Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson, Curtis Jones; Sadio Mane, Roberto Firmino, Mohamed Salah.

Kaydka: Xherdan Shaqiri, Adrian, James Milner, Takumi Minamino, Neco Williams, Diogo Jota, Rhys Williams.

Jurgen Klopp waxa uu laba beddel ku sameeyey shaxdii uu kula ciyaaray Sheffield United usbuucii hore ee guusha 2-1 ah soo hoysay, waxaanu keenay Phillips oo booskii Fabinho oo dhaawac ah ka ciyaaaray iyo Jones oo kasoo hormaray Jota.

West Ham United ayaa toban daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay hoggaanka ku qabatay gool uu u dhaliyey Pablo Fornals oo masaafo 18 yard ah ka toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Alisson.

Kubaddan ayaa waxa marka hore madax iskaga soo celiyey Gomez balse Fornals ayaa ka helay meel furan oo aan cidhiidhi ahayn oo uu si fiican uga toogan karo.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa kubbad ku wada ciyaaray xerada ganaaxa, waxaana ugu dambayn usii taraarixiyeen Jordan Henderson oo bannaanka joogay oo isaguna goolka waxyar u mariyey kubadda.

Daqiiqaddii 40aad ayaa rikoodhe loo dhigay Liverpool, kaddib qalad uu Masuaku ku galay Mohamed Salah oo xerada ganaaxa ku jira, waxaana laacibka reer Masar uu ku dhacay dhulka inkasta oo ay ahayd rikoodhe uu muran ku jiro oo aan xataa laga soo eegin VAR.

Mohamed Salah ayaa gool u beddelay rikoodhaha, waxaanu toogtay badhtamaha goolka xilli uu Fabianski isku tuuray dhinaca midig.

Qaybta hore ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah oo ay firfircooni badan ka muuqatay West Ham oo difaaca adkaysatay, sidoo kalena ciyaaraysay kubbad isku xidhan oo xidhiidhsan afka hore, khadka dhexe illaa weerarka.

Markii lagu soo laabtay qaybta dambe ayay Liverpool samaysay dardar horleh laakiin waxay awoodi waayeen inay galaan xerada ganaaxa ee West Ham.

Tababare Klopp ayaa laba beddel mar kaliya isasoo raaciyey, waxaanu wada keenay Xhaqiri iyo Jota isaga oo saaray Jones iyo Firmino.

Diogo Jota ayaa dhaliyey gool uu Sadio Mane kula hirdamay difaaca West Ham iyo goolhaye Fabianski, waxaana uu garsooruhu tilmaamay in kubadda la geeyo badhtamaha garoonka, hase yeeshee, waxa laga soo eegay VAR oo meesha ka saaray goolka iyadoo ay caddaatay in Mane uu qalad sameeyey.

GOOOOOOOOOOOAAAAAAAAAAAALLLLLLLLLLLLLL!!! Liverpool 2-1 West Ham – Diogo Jota ayaa goolka guusha u dhaliyey Liverpool ciyaarta oo shan daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan tahay, waxaana uu shabaqa ku hubsaday kubbad baas cajiib ahayd oo uu usoo dhiibay Xhaqiri.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Liverpool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More