Liverpool Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaartey Arsenal, Laba Dhibcood Oo Ay U

Liverpool ayaa kusoo dhowaatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, kaddib guul raaxo leh oo ay kasoo gaadhay Arsenal oo ay ugu tagtay magaalada London, kuna soo garaacday 3-0.

- Advertisement -

Xiddiga reer Portugal ee Diogo Jota oo beddel kusoo galay ayaa dumiyey derbigii difaaca ee Arsenal ee ay awoodi waayeen Mohamed Salah, Firmino iyo Mane in ay kubadda dhaafiyaan, waxaanay Jota ku qaadatay saddex daqiiqadood oo kaliya in uu goolka koowaad u dhaliyo kooxdiisa.

Mohamed Salah ayaa ku daray goolka labaad, isagoo difaaca Arsenal kusoo garaacay xerada ganaaxa dhexdeeda, isla markaana goolhaye Leno kubadda ka bixiyey labadiisa lugood dhexdooda.

Jota ayaa goolka saddexaad ee kooxdiisa damaanad ugu siiyey saddexda dhibcood ee kulankan, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 3-0.

Liverpool ayaa soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League, waxaanay laba dhibcood ka hoosaysaa Chelsea oo afraad fadhida, laakiin West Ham ayaa wax ka beddeli karta kaalinta ay Liverpool ku jirto, isla markaana kaalinta afraad kala bixi doonta Chelsea haddii ay badiso ciyaarteeda usbuucan oo Axadda ay u tegayso Wolves.

Arsenal ayaa iyaduna ku jirta kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka, waxaanay isku dhibco yihiin Leeds United oo 10aad fadhida, hase yeeshee Aston Villa oo guuleysata ayaa hal buundo hoos usii ridi karta Arsenal.

Shaxdii labada kooxood

ARSENAL XI: Leno, Chambers, Holding, Gabriel, Tierney, Partey, Ceballos, Aubameyang, Odegaard, Pepe, Lacazette.

Kaydka: Ryan, Bellerin, Willian, Soares, Mari, Nelson, Elneny, Nketiah, Martinelli.

LIVERPOOL XI: Alisson, Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson, Fabinho, Milner, Thiago, Mane, Firminho, Salah.

Kaydka: Adrian, Wijnaldum, Kieta, Oxlade-Chamberlain, Jones, Jota, Tsimikas, Shaqiri, Williams.

Faahfaahin dheeraad ah

Daqiiqaddii sagaalaad ayay Arsenal gashay halis ahayd iyadoo kubbad uu dhinaca bidix ka keenay Robertson ay lugta u gashay Fabinho. Laacibka reer Brazil ayaa ka toogtay masaafo 30 yard ah, waxayse kubadda waxyar ka leexatay goolka.

Firmino ayaa bannaanka xerada ganaaxa kubbad uu ku xeeladeeyey difaaca ku toogtay goolka, waxayse waxyar ka martay dhinaca midig shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Leno.

GOOOOOAAAALLLLLL!!! 1-0 TO LIVERPOOL. Diogo Jota ayaa daqiiqaddii 64aad dhaliyey goolka koowaad ee ciyaarta, waxaana isagoo saddex daqiiqadood oo kaliya ku jira garoonka uu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo jabiyey Alexander-Arnold, taas oo uu goolhaye Leno joojin kari waayey.

Mohamed Salah ayaa afar daqiiqadood kaddib goolka Jota, waxa uu maamulay kubbad uu meel fog kasoo tuuray Fabinho oo ahaa laf-dhabarta kooxda, waxaanu xerada ganaaxa dhexdeeda dhulka ugu sii tuuray Gabriel Magalhaes, ka hor intii aanu kubadda ula tegin Leno oo uu lugihiisa ka dhex saaray.

Diogo Jota  ayaa mar kale kusoo laabtay gool-dhalinta daqiiqaddii 82aad, waxaana kubbad uu kasoo shaqeeyey Sadio Mane uu ka helay xerada ganaaxa, taas oo uu shabaqa oo 10 yard u jiray uu ku leexiyey.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-0 ay guushu ku raacday Liverpool.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More