Liverpool Oo Guul Ay Ku Rafaadday Ka Gaartey Ajax, Man City

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul ay dhibaato adag kasoo martay ka gaadhay Ajax oo ay ugu tagtay waddanka Holland, waxaana tababare Jurgen Klopp uu xili ciyaareedka cusub ee 2020-21 ee Champions League uu ku bilowday guul.

Liverpool ayaa gool madi ah oo qaybtii hore uu iska dhaliyey difaaca Ajax ee Tagliafico ku heshay guusha, laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa samaysay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen, iyadoo ilbidhiqsiyadii ugu dambaysayna ay jamaahiirta Liverpool wadne gariir ku rideen markii ay birta dul mariyeen kubbad loo fishay inay gool tahay.

Manchester City ayaa iyaduna guul raaxo leh ka gaadhay FC Porto oo ay 3-1 ugu dhiibtay garoonka Etihad Stadium.

Sergio Aguero oo rikoodhe dhaliyey, Ilkay Gundogan iyo Ferran Torres ayaa Manchester City ku hoggaamiyey guusha, halka gool waqti hore uu dhaliyey Diaz ay FC Porto la timid.

Shaxda kulankii Ajax iyo Liverpool

LIVERPOOL STARTING XI (4-3-3): Adrian; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Fabinho, Andy Robertson; James Milner, Georginio Wijnaldum, Curtis Jones; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Caoimhin  Kelleher, Jake Cain, Divock Origi, Xherdan Shaqiri, Jordan Henderson, Diogo Jota, Vitezslav Jaros, Takumi Minamino, Neco Williams, Rhys Williams.

AJAX STARTING XI (4-3-3): Andre Onana; Noussair Mazraoui, Perr Schuurs, Lisandro Martinez, Nicolas Tagliafico; Davy Klaassen, Daley Blind, Ryan Gravenberch; David Neres, Dusan Tadic, Mohammed Kudus.

Kaydka: Lassina Traore, Sean Klaiber, Dominik Kotarski, Jurgen Ekkelenkamp, Maarten Stekelenburg, Klaas Jan Huntelaar, Zakaria Labyad, Quincy Promes, Edson Alvarez.

Jurgen Klopp ayaa afar isbeddel ku sameeyey kooxdii uu kula ciyaaray Everton Sabtidii, waxaana ka maqnaa Virgil van Dijk oo dhaawac culus soo gaadhay, Joel Matip iyo Thiago Alcantara oo saddexdooduba dhaawac ah, waxaana ku cusbaa Gomez, Jones, Milner iyo Wijnaldum, halka kabtan Jordan Henderson kaydka uu kusoo bilowday.

Ajax oo garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaa ciyaarta firfircooni badan ku bilaabatay, waxaanay isku dhiibayeen baasas badan oo khalkhaliyey khadka dhexe ee Liverpool oo awoodi waayey inay kubaddoodu u shaqayso sidii laga filayey.

Daqiiqaddii 21aad ee ciyaarta ayay fursaddii ugu dhoweyd ee gool loo fishay timid, waxaana Liverpool oo isku dhex yaacsan weerar kusoo qaadday Ajax oo culays xooggan soo saartay. Gravenberg ayaa laag awood badan ku beegsaday goolka Liverpool isaga oo joogay meel aan ka fogeyn laakiin kubadda ayaa waxyar dhinac ka martay birta.

BADBAADO!!! Taglifico ayaa kubbad kusoo dhex tuuray xerada ganaaxa Liverpool waxaana sii taabtay Promes oo usii gudbiyey Neres oo isaga oo ordaya la tegay goolka Liverpool, laakiin Adrian ayaa u istaagay oo goolkaas ka badbaadiyey.

GOOOOAAAAAALLL!!! Ajax 0-1 Liverpool!! Mane ayaa kubbad kala soo galay dhinaca bidix isla markaana kusoo dhex tuuray xerada ganaaxa Liverpool, waxaana nasiib-darro isku qabtay Taglifico oo iska dhaliyey, halkaana Liverpool ayaa dabbaal-deg ka bilowday.

Daqiiqadihii ugu dambeeyey qaybta hore ayay Ajax ku dhowaatay inay goolka barbarraha la timaaddo laakiin nasiibkooda umay suurtogelin, waxaanay qaybta hore kusoo dhamaatay 1-0 ay Liverpool la nasatay hoggaanka.

Qaybta labaad ayuu afar beddel oo degdeg ah sameeyey Jurgen Klopp, waxaanu soo raaciyey kabtan Jordan Henderson oo uu ku beddelay Jones.

Saddexda afka hore ee Sadio Mane oo dhaawac ahaa, Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ayuu hal mar garoonka ka wada saaray qaybta labaad oo aan waxba socon, waxaana yimid Jota, Minamino iyo Xherdan Shaqiri.

Beddelladan uu sameeyey Klopp ayaa waxay keeneen in Liverpool ay maamulka ciyaarta gacanta ku qabato, isla markaana ay khataro badan geliyaan goolka Ajax, inkasta oo kooxda garoonkeeda joogtaday ay iyaguna qaab baqasho la’aan ah ku ciyaarayeen oo ay dhawr jeer sigeen goolka Liverpool.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa ku tumatay kooxda reer Portugal ee FC Porto, taas oo gool kaga naxsatay bilowgii hore.

Daqiiqaddii 14aad ayay Porto hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana u dhaliyey Luis Diaz, hase yeeshee waxa se la kawaanay Sergio Aguero oo rikoodhe ugu barbarreeyey Man City, iyadoo qaybtii horena ku dhamaatay 1-1.

Qaybtii labaad ayay Manchester City xaqiiqsatay guusha ciyaarta, waxaana gool laba gool oo daran doorri ah u dhaliyey Ilkay Guendogan iyo Ferran Torres oo beddel kusoo galay

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More