Liverpool Oo Calmatay Mishiinkii Khadka Dhexe Ee Portugal Ee Renato

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si dhow ula socotay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Portugal ee Renato Sanches oo ahaa mishiinkii isku xidhayay xulka dalkaas intii ay ku jireen tartanak qaramada Yurub ee Euro.

Renato Sanches ayaa soo jiitay kooxo badan oo Yurub ah, waxaana ka mid ahayd Liverpool oo raadinaysa ciyaartoy khadka dhexe ah oo u beddela Georginio Wijanldum oo si xor ah uga tegay xagaagan, kuna biiray PSG.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la sheegay inuu ku qancay bandhigga sarreeya ee kubbad-sameeyaha kooxda Lille oo heshiiskiisa laba sannadood ka hadhsan yihiin.

Sida uu qoray wargeyska Liverpool Echo, Reds ayaa qorshaynaysa in ay xidhiidh la samayso kooxda reer France ee Lille oo ay weydiiso haddii ay laacibkan ka iibinayaan iyo qiimaha suurtogalka ah.

Renato Sanches oo hore uga ciyaaray Premier League, kuna fashilmay kooxda Swansea City oo uu ku qaatay xilli ciyaareedkii 2017/18 ayaa kubbad ahaan u muuqda in uu qaan-gaadh noqday oo uu sameeyey horumar badan oo dhinac walba leh, waxaanu taas ku muujiyey tartankii qaramada Yurub oo uu ahaa xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaartoyda khadka dhexe ee Portugal.

180 daqiiqadood oo uu saftay tartanka Euro oo dalkiisu uu ku hadhay wareegga 16ka, waxay qiimayntiisu ahayd mid sarraysa, iyadoo uu ahaa biriij cajiib ah oo xidhiidhinayay dhexda iyo weerarka, isla markaana kubadda la dhex ordayay ciyaartoyda  kooxaha kasoo horjeeda oo celin kari la’aa.

Labada ciyaaroty ee Toni Kroos, Koke iyo Pedri oo kaliya ayaa dhamaystiray baasas ka badan inta uu sameeyey Renato Sanches.

Si kastaba, tababare Jurgen Klopp ayaa la dhacsan laacibkan, waxaanu doonayaa in uu keensado kooxdiisa si uu uga xoojiyo khadka dhexe oo ay u baahan yihiin ciyaartoy kubadda jiida oo furfuri kara difaaca kooxaha kasoo horjeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More