“Liverpool Iima Diidi Doonto Inaan Baxo Suuqan, Waxaan Jeclaan Lahaa

Garabka weerar ee kooxda Liverpool ee Xherdan Shaqiri ayaa si buuxda shaaca uga qaaday rabitaankiisa ah inuu doonayo inuu kooxda iskaga tago kaddib markii suuqii xagaaga ee 2020 lagu sababay inuu sii joogo Anfield oo uusan bixin.

Shaqiri ayaa ahaa mid bedel fiican usoo ahaa Liverpool tan iyo markii uu dhinaca kooxda Stoke City kaga soo biiray xagaagii 2018 isaga oo kulamo badan kala duwanaanshah usoo sameeyay.

Shaqiri ayaa kamid ahaa xiddigihii isku soo muujiyay tartankii dhawaan dhammaaday ee Euro 2020 isaga oo wareega siddeed dhammaadka lasoo gaadhay Switzerland oo ugu dambayn ay rigoorayaal ku reebeen dhigooda Spain.

Haatan Shaqiri ayaa sheegay inuu maamulka kooxdiisa u sheegay inuu bixitaan doonayo isaga oo intaas ku daray inaan markan laga hor istaagi doonin inuu baxo.

Sidoo kale Xherdan ayaa intaas raaciyay inuu jeclaan lahaa inuu ku biiro kooxda Serie A ka ciyaarta ee Lazio oo uu la shaqeeyo macalin Maurizio Sarri.

Shaqiri ayaa yidhi “Waxaan u sheegay boodhka Liverpool inaan dareemayo inaan diyaar u ahay loolan cusub, iyagu way aqbaleen go’aankayga haatana way tixgelin doonaan dalabaadka si ay ii iibiyaan”

“Liverpool ima joojin doonto xagaagan, waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo laabto Italy, waxaanan jeclaan lahaa inaan Lazio u ciyaaro” ayuu si kooban u yidhi Shaqiri oo CorSport ku biiro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More