Lionel Messi Oo Lacag Ku Qaatay Muuqaalkii Uu Kula Hadlayay Qoyskiisa

Mid ka mid ah muuqaladii qiirada lahaa ee laga duubay Copa America xagaagan waxay aheyd markii uu Lionel Messi xaaskiisa iyo caruurtiisa ka wacay WhatsApp ka dib markii uu koobka ku qaaday garoonka Maracana ee dalka Brazil.

Kabtanka Argentina ayaa muuqaalkii laga duubay isagoo muuqaal toos ah kula hadlaya qoyskiisa soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna soo raaciyay qoraal qiiro geliyay dad badan.

“Alla maxay maalin gaar ah ii tahay” ayuu Messi raaciyay muqaalkii uu soo dhigay baraha bulshada.

“Waxaan wicitaankaan sameeyay ka dib ciyaartii finalka markaasoo aan ku guuleysiga Copa America kula dabaaldegayay qoyskeyga oo aan kala hadlayay WhatsApp video call.”

Jariirada Marca ayaa baahisay haatan in wicitaanka uu Messi ku dhex sameeyay garoonka ay aheyd xayaysiin madaama uu heshiis suuqgeyn ah kula jiro shirkada WhatsApp ee hoos tagta Facebook.

Muuqaalka uu ku wadaagay baraha bulshada waxaa daawatay in ka badan 13 milyan ruux taasoo u aheyd xayaysiin weyn WhatsApp.

Ciyaaryahanadda kubada cagta ayaa inta badan uga faa’ideystay waqtiyada dabaaldegyada inay sameeyaan xayaysiino kala duwan oo ay ku helayaan lacag badan, laakiin muuqaalkii uu Messi la hadlayay qoyskiisa marnaba lama moodeyn inay aheyd xayaysiin uu u sameynayo WhatsApp,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More