Lionel Messi ayaa sababi kara
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu go, aan ka gaari karo mustaqbalka xiddiga ay xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo marka la gaadho suuqa xagaaga hadii uu Messi go, aansado in uu sii joogo Camp Nou.
Warar cusub ayaa sheegaya in xaqiiqda ah in Messi uu baaqi kusii ahaaday Barcelona ay la macno noqon karto in Paris Saint-Germain ay u dhaqaaqi karto Ronaldo oo waqti adag ku qaadanaya Juventus.
Messi ayaa xirfadiisa oo dhan ku soo qaatay Barcelona wuxuuna isku muujiyay inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnayd abid kubada cagta, isagoo ku hogaamiyay Barca toban La Liga iyo afar Champions League.
Mustaqbalka fog ee Messi ee Camp Nou ayaa hada hawada ku jira wax go’aan ahna lama gaarin wali maadama qandaraaskiisu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Messi ayaa si xor ah uga tagi kara Blaugrana dhamaadka xilli ciyaareedkan, sanad kadib markii uu isku dayay inuu ka tago kooxda.
Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa guud ahaan loo arkaa inay kaalinta koowaad kaga jirto liiska musharaxiinta Messi, inkasta oo ay tartan kala kulmayaan Manchester City.
Si kastaba ha noqotee, wargeyska Isbaanishka ee OkDiario ayaa sheegaya in Messi uu sii joogi karo Barcelona, taas oo ay dhici karto in PSG ay u weecato dhanka Ronaldo.
Maamulayaasha Juventus ayaa dhawaan xaqiijiyay in 36 jirkaan uu qeyb ka yahay mustaqbalka kooxda iyo mashruuca ay dhisayaan.
Si kastaba ha noqotee, u dhaqaaqista Paris ee Messi ama Ronaldo markii hore waxaa sabab u ah Kylian Mbappe oo seegay midkood Real Madrid ama Liverpool.