Lampard ayaa si kulul u weeraray warbaahinta
Frank Lampard ayaa weerar culus ku qaaday ciyaartoydiisa, isagoo ku eedeeyay inay “caajis yihiin” kulankii Arsenal ay 3-1 kaga badisay.
Gunners ayaa 3-1 ku garaacday Chelsea oo u muuqatay inay kala daadsan tahay 15-1 waxaana goolasha u kala dhaliyay Alexandre Lacazette, Granit Xhaka iyo Bukayo Saka.
Frank Lampard oo ciyaarta kadib la hadlay warbaahinta ayaa muujiyay carada uu ka muujiyay ciyaarta iyo qaab ciyaareedka kooxdiisa isaga oo xusay in ayna samayn dadaalkii laga filayay. , laakiin waxay ahayd buur la fuulo. Waan dagaalnay qeybtii labaad, ciyaartooy ayaa timid, xawaare iyo tamar ayey kusoo kordhiyeen ciyaarteena, laakiin taa ma aanan sameynin bilowgii. “
Chelsea hadii ay badin laheyd hal dhibic ayey ka sare mari laheyd Manchester United, laakiin hada waxey u dhici karaan kaalinta sideedaad ee kooxda Tottenham hadii ay ugu yaraan hal dhibic ka helaan maanta kooxdooda yey.
Masuuliyada guuldarada, tababare Frank Lampard ayaa yidhi: “Waxaan qaadayaa masuuliyada garoonka dhexdiisa laakiin ciyaartoydu waa inay qaadaan masuuliyada gudaha sababtoo ah fariintu way cadahay. Tani waxay ahayd ciyaar khatar ah, koox hibo leh, oo ka timid darbiga gadaashiisa, waxaan fursad u helnay inaan ku soo xigno kaalinta labaad iyagana (Arsenal) waxay ku jirtay xaalad cakiran.
Kadib wuxuu qirtay inuu ka xanaaqsan yahay ciyaartoydiisa wuxuuna yiri: “Waan xanaaqay maxaa yeelay waxaan doonayay inaan guuleysto. Waxaan ku caajisnay rikoorka, laad xor ah kadib aad ayaan uga niyad jabnay sida aan u ciyaarnay qeybtii hore.”