Labadii Xiddig Ee Liverpool Ee Imtixaanka Ku Dhacay,
Todobaad fiican uma aheyn Liverpool iyadoo barbaro 1-1 kala kulantay kooxda Brighton kulankii Premier League xilli bartamihii isbuuca ay guuldarro ka soo gaartay Atalanta kulan ka tirsanaa wareega group-yada Champions League.
Xaalada dhaawacyada Reds ayaana u muuqa kuwa taxane ah iyadoo James Milner uu noqday xiddigii ugu danbeeyay ee Liverpool ee dhaawac uu soo gaaray maanta.
Jordan Henderson (Liverpool). Markii la soo geliyay qeybtii labaad ee ciyaarta kabtanka Liverpool ayaa wax weyn ka bedelay ciyaarta kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League. Xiddiga khadka dhexe waxa uu mararka qaar kala qeybiyaa aragtida taageerayaasha laakiin cidna shaki ma gelin karto hogamintiisa iyo sida uu u dejiyo ciyaarta kooxda Reds isagoo wacdarro dhigay 45tii daqiiqo ee uu garoonka ku jira.
XIDDIGAHA FASHILMAY
Seddex xiddig ayaa imtixaan weyn ku jiray kulankii maanta waxaana ku dhacday labo ka mid ah oo kala ah daafaca dhexe ee da’da yar N Williams iyo weeraryahan Minamino. Williams wuxuu sababay rigoore isagoo muujiyay qalqal weyn qeybtii hore ee ciyaarta halka Minamino uusan wax weyn ku soo kordhinin weerarka kooxda Reds.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
BRIGHTON: Ryan 6, Veltman 6, White 7, Dunk 6, Webster 6, Gross 7, Bissouma 6, March 6, Connolly 7, Welbeck 6, Maupay 5.
Bedel: Trossard 6, Lallana n/a, Jahanbakhsh 6.
LIVERPOOL: Alisson 7, N Williams 5, Phillips 6, Fabinho 6, Robertson 6, Wijnaldum 7, Milner 6, Minamino 5, Jota 7, Firmino 6, Salah 7.
Bedel: Henderson 7, Mane 6, Jones 6.