Labadii Qalad Ee Jurgen Klopp Sameeyey Ee Halista Geliyey Liverpool

Liverpool ayaa soo afjartay inkaar ka haysatay kulamada garoonkeeda Anfield ee horyaalka Premier League, kaas oo siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah ku helin, waxaana lagaga badiyey lix kulan iyo laba lagula barbarreeyey, laakiin caawa ayay taasi kasoo dhamaatay.

Kaddib guul-darradii 3-1 ahayd ee Salaasadii ay kala soo kulantay Real Madrid, Liverpool ayaa si fiican u maamulatay kulankii caawa ee Aston Villa oo qaybtii hore ay fursado badan ka heshay, iyadoo 12 jeer ku toogatay goolka, laakiin diciifnimada difaacooda ayaa keenay in Ollie Watkins uu gool si fudud uga dhaliyo qaybtii hore.

Gool uu dhaliyey Roberto Fimino ayaa laga diiday qaybtii hore, waxaase soo nooleeyey Mohamed Salah oo goolka barbarraha u keenay halka uu Trent Alexander-Arnold guusha u go’aamiyey daqiiqadihii ugu dambeeyey.

Tababare Jurgen klopp ayaa ciyaartan sameeyey laba qalad, waxaanay sahayan gaadheen guusha kooxdiisa, laakiin dhinaca kale waxa uu ku saxsanaa hal go’aan.

Labadii Qalad ee uu sameeyey:

1. Aaminaad difaaciisa

Iyagoo ciyaartii Real Madrid sameeyey qaladaad badan iyo diciifnimo aan sinaba loogu dul-qaadan karin, waxa uu Jurgen Klopp mar kale kusii dhegsanaaday afartii laacib ee ciyaartaas ku ceeboobay.

Mar kale ayay caddeeyeeen in ay liitaan, gaar ahaan Ozan Kabak, waxaana uu laacibkani xakamayn kari waayey John McGinn oo kubbadii goolka u dhiibay Watkins oo isaguna ceebeeyey Nat Phillips ka hor intii aanu goolka dhalin.

Kabak iyo Phillips in ay mar kale iska garab ciyaaraan, waxay ahayd qalad laakiin xulashada ayaa ku yarayd Jurgen Klopp, waanu ku qasbanaa.

2. Fadhiisintii Sadio Mane

Inkasta oo gool dhalintiisu ay aad u yar tahay xilli ciyaareedkan, isla markaana ciyaartiisu hoos u dhacday, haddana in uu ka maqnaado safka koowaad waxay diciifnimo ku keentay Liverpool, iyadoo cabsidii ay ka qabeen difaacyaduna ay meesha ka baxday.

Waxa kale oo qalad ahayd in Roberto Firmino uu ahaado laacibka beddelay Mane, waxaase uu weeraryahanka reer Brazil ka ciyaarayay afka hore isagoo u dhexeeyey Jota iyo Salah oo iyagu si fiican u shaqaynayay.

Firmino ayaa ciyaarta ku ahaa maqane jooga, waxaana fursadda kaliya ee uu helay ay ahayd in uu dhaliyey gool laga diiday qaybta hore.

Mane ayaa rikoodh cajiib ah ka haystay Aston Villa oo uu ka dhaliyey siddeed gool toddoba ciyaarood uu ka  hor tegay, in la fadhiisiyaana qalad ayay ahayd.

Arrintii uu ku saxsanaa

James Milner oo uu ciyaarta kusoo bilaabay ayaa khadka dhexe si fiian uga shaqeeyey, waxaanu abuuray fursado waaweyn oo ay kooxdiisu goolal ku dhalin karaysay ka hor intii aanu isagu kubbad uu meel fog ka toogtay ku tijaabin Emiliano Martinez.

Khibadda uu leeyahay laacibkan ayaa qaybta hore uu caddeeyey, waxaanu ahaa sirta kooxda ee bandhiggii fiicnaa ee qaybta hore.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More