Labada Xiddig Ee Ugu Wanaagsan Talyaaniga Oo La Magacaabay Ka Hor

Xiddigaha ugu wanaagsan xulka qaranka Talyaaniga ayaa la magacaabay xilli ay daqiiqado ka hadhsan yihiin kulanka finalka Euro 2020 ee England.

Talyaaniga ayaa haysta ciyaartooyo badan oo heersare ah oo boosas kala duwan ka ciyaaraya, kuwaas oo isugu jira xiddigo ruug-caddaa ah iyo da’yar calankoodu taagan yahay oo hadda uun madaxa la galay waqitigii ay kubaddoodu qaangaadhka noqonaysay.

Glenn Hoddle ayaa qiimayn ku sameeyey ciyaartoyda xulka Talyaaniga ee ka qayb-gelaya tartanka Euro, waxaanu kala soo baxay labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan isaga aragtidiisa.

Halyeygan hore ee kooxaha Tottenham iyo Chelsea, waxa uu tibaaxay in Talyaaniga aanay ku jirin ciyaartooyo tayadoodu gaadhsiisan tahay heerkii Gianfranco Zola iyo Roberto Mancini oo tusaale u ahaa Talyaaniga, balse ay haddana haystaan laacibiin kale oo difaac iyo dhexba ah oo ah kuwa hoggaaminaya safka hadda.

Chiellini oo lagu tilmaamo difaaca ugu wanaagsan iyo hoggaamiyaha Talyaaniga ayaanu Glenn Hoddle soo qaadanin, waxaanu booskiisa geliyey ciyaartoy kale oo uu ku sifeeyey inuu ka mid yahay labada ugu wanaagsan.

Labada ciyaartoy ee Jorginho iyo Leonardo Bonucci ayuu Glenn Hoddle sheegay inay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee Talyaaniga ku jira, waxaanu xusay inay yihiin cududda Azzurri iyo khatarta ay waajahayaan Ingiriisku.

“Mancini wuxuu haystaa koox wada shaqaynaysa, nidaamka kooxeed ayaana ka awood badan shaqsiyaadka.” Ayuu yidhi Glenn Hoddle oo intaa ku daray: “Lorenzo Insigne waa ciyaartoy wanaagsan laakiin ma aha heer caalami. Ma gaadhsiisna heerkii Roberto Baggio ama Gianfranco Zolla.

“Ciyaaryahanadda ugu wanaagsan ee Talyaanigu waa Leonardo Bonucci oo heer ka duwan ah iyo Jorginho. Labadan ciyaartoy waxay leeyihiin khibrad iyo farsamo ciyaareed iyo waliba boos qaadasho.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More