Laba ciyaartoy oo muhiim ah ayaa ku soo laabtay shilkii Liverpool

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in goolhaye Alisson Becker iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Alex Oxlade-Chamberlain ay soo laaban karaan kulanka axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Fulham.

Klopp ayaa shirkiisa jaraa’id ee dhawaan ku sheegay in hadii goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker uu maanta tababarka dhamaysto uu bilaaban doono Axada.

Caoimhin Kelleher ayaa ah goolhayaha Liverpool kulamadii ugu dambeeyay sababo la xiriira dhaawaca Alisson.

Laakiin hadii Alisson uu tababarka dhammeeyo maanta, waxay umuuqataa in Kelleher uu keydka fariisanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa sheegay in Alex Oxlade-Chamberlain uu ku soo laabtay tababarka buuxa isla markaana ay qasab tahay inuu dhawaan diyaar noqdo.

Laakiin wuxuu ka walwalsan yahay Diogo Jota oo dhaawac muruqa ah la maqan iyo Kostas oo isna dhaawac ku maqan.

“Waxaan qabnaa dhaawacyo fudud, Kostas wuxuu ubaahan yahay inuu arko xaaladiisa, Diogo Jota ayaa jug qabta waana qiimeyn doonaa xaaladiisa, Alex Oxlade-Chamberlain wuxuu kusoo laabtay tababarka buuxa, xaalada waxay ubaahan tahay in si deg deg ah loo ciyaaro

Klopp ayaa sidoo kale ku celiyay inuu taageersan yahay adeegsiga qaladka VAR markii uu yidhi waxaan bilaabay inaan ka fikiro waxa saxda ah ee loo yaqaan.

“Waxaan taageersanahay isticmaalka VAR. Ma hubo fikirka qotada dheer ee looga saaray, intee in leeg ayay ku qaadanaysaa in la qaato go’aanka saxda ah. Waxyaalaha qaarkood isku mid ma aha – way ka fiican yihiin sidii hore. “

Liverpool ayaa dhibane u noqotay go’aano garsoore VAR ay dhawaan ka gaareen Premier League iyo Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More