Laacibka kooxda Manchester United ee Scott Mctominay ayaa jabiyay rikoor cusub
Xiddiga Manchester United Scott McTominay ayaa dhigay rikoor cusub oo Premier League ah ka dib markii uu dhaliyay labo gool kulankii ay Red Devils guusha ka gaareen Leeds United.
- Advertisement -
Scott McTominay ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee taariikhda Premier League dhaliya laba gool saddexda daqiiqo ee ugu horeysa ciyaarta.
McTominay ayaa hogaanka u dhiibay United daqiiqadii ugu horaysay kadib markii uu si qurux badan u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes.
Kahor daqiiqadii seddexaad, Scott McTominay ayaa dhaliyay goolkiisii labaad isagoo si fiican u koontaroolay kubad uu u baasay Martial ka hor inta uusan dhigin goolhayaha.
Scots-ka hadda waa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee dhaliya labo gool seddaxda daqiiqo ee ugu horreysa ciyaarta Premier League. Ma jiro ciyaaryahan Premier League ah oo sidaas sameeyay.
Ciyaaryahanadda ugu dhow rikoorkaan waa Duncan Ferguson (Janaayo 16, 2000) iyo Ryan Giggs (Nofeembar 18, 1995) oo dhaliyay labo gool afartii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaar Premier League.
Markii ay ciyaartu sii socotey, waxaan haatan 4-0 ku hogaamineynaa Man United ka dib labo gool oo dheeri ah oo ay kala dhaliyeen Bruno Fernandes iyo Victor Lindelof.