Kung-Fu Mise Kubadda Cagta? DAAWO Muuqaalka Gabriel Jesus Oo Xalay
Weeraryahanka xulka qaranka Brazil iyo kooxda Manchester City ee Gabriel Jesus ayaa xalay sameeyay mid kamida qaladaadka ugu dilaasan ee kubadda cagta suurogalka ka ah kulankii dhex maray dalkiisa iyo Chile ee siddeed dhammaadka Copa America qaybta ka ahaa.
Xulka Samba ayaa guul 1-0 ah ka gaadhay dhigiisa Chile ciyaar adag oo ay qaybtii dambe oo dhan ku ciyaarayeen 10 ciyaaryahan oo kaliya kaddib casaanka uu qaatay Jesus.
Xiddiga AC Milan ee Lucas Paqueta oo Roberto Firmino lagu bedelay wakhtigii nasashada ayaa daqiiqad kaddib marka uu soo galay hoggaanka u dhiibay Brazil kaddib baas cajiib ah oo uu ka helay Neymar Junior.
Laba daqiiqo kaddib goolka furitaanka ee Brazil, Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 48-aad loo taagay kaadhka casaanka ah kaddib markii uu qalad u muuqday mid ah ciyaarta dagaalka ee Kung-Fu ku sameeyay ciyaaryahan Chile ah.
Brazil ayaa liiska xulalka u gudbay wareega afar dhammaadka Copa America kula biirtay Peru oo rigoorayaal ku garaacday Paraguay oo ay 3-3 isku mari waayeen.
Argentina oo uu hoggaaminayo Lionel Messi oo ah gool dhaliyaha ilaa haatan ugu sarreeya tartanku ayaa Ecuador wareega siddeeda kula balansan halka Uruguay iyo Colombia ay dhinacooda fooda is dari doonaan.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
Gabriel Jesus’ red card for Brazil… pic.twitter.com/e9bpH68Mxl
— Man City Report (@cityreport_) July 3, 2021