Ku guuleystihii Koobka Adduunka ee Talyaaniga
Niyad jabka Muwaadiniintu wuxuu dul fadhiyaa dhimashada halyeygoodii Koobka Adduunka 1982, Paolo Rossi.
- Advertisement -
64-sano jirkaan hore ee kubada cagta talyaaniga, mudo dheerna u shaqeynayay falanqeeye isboorti ayaa la sheegay inuu ku dhintay isla goobta.
Cappelletti Federica, xaaska Paolo Rossi, ayaa fariin ay soo dhigtay barteeda Instagram ku shaacisay geerida ninkeeda, laakiin ma aysan shaacin sababta dhimashadiisa.
Paolo Rossi waxaa lagu xasuustaa goolal badan oo uu u dhaliyay dalkiisa iyo guulo la taaban karo oo uu ka soo hooyay Koobkii Adduunka ee 1982 ee Spain.
Talyaanigu wuxuu kujiray kooxdii dhimashada sanadkaas oo ay wehliyaan Brazil iyo Argentina, waxaana xusid mudan in Brazil, oo kasoo baxday group-ka, ay markale kulmeen semi-finalka, iyadoo Rossi uu dhaliyay seddexleey taariikhiga ah.
Brazil waqtigaas waxay laheyd ciyaartoy sida Corates iyo Falcao oo si dhib yar indhahooda ku maamuli kara.
Poland ayaa sidoo kale isha ku heysay Paolo Rossi ka hor inta uusan aadin finalka si ay 3-1 uga badiyaan West Germany, iyadoo labo ka mid ah goolasha uu dhaliyay Paolo Rossi, kaasoo xulkiisa ku hogaamiyay Koobka Adduunka.
Koobkii Adduunka, Rossi wuxuu ku guuleystay kabaha dahabka iyo Ballon d’Or, isla sannadkaasna waxaa la bixiyey abaalmarinta Ballon d’Or.
Heer kooxeed, wuxuu xirfadiisa oo dhan kusoo qaatay Talyaaniga, gaar ahaan Vicenza, Juventus iyo AC Milan.
Geeridiisa ayaa ugu dambeyn maanta la shaaciyey, waana waqti murugo iyo dhibaato ku ah Talyaaniga.