Ku Guuleystay 50 Doolar Oo Saadaali Kulanka Caawa Ee Arsenal vs

Arsenal iyo Liverpool ayaa caawa ku balansan garoonka Emirates Stadium iyadoo Liverpool ay mareyso isbuuc tijaabo adag ah xilli Gunners ay u baahan tahay inay ka soo baxday kaalinta hoose ay ku jirto.

Kulanka caawa waxa uu Liverpool u yahay fursad weyn oo ay ku cadeyn karto rajado ay ka qabto afarta sarre xilli ciyaareedkan, laakiin waxay sidoo kale hal il ku eegayaan kulanka lugta hore ee wareega 8da Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid Talaadada.

Waa adag tahay in la sii ogaado waxa ay kala kulmi karaan Arsenal sababtoo ah Gunners qaab ciyaareedkeeda ma aheyn mid joogta ah xilli ciyaareedkan, maalmaha qaar waa kuwa garaaci kara koox walba halka maalmaha ay isku dhex yaacaan.

Ku Guuleyso 50 Doolar Oo Saadaali Kulanka Caawa?

Shabakada Laacib waxay fursad ku siineysaa inaad ku guuleysato 50 doolar adigoo saadaalinaya kulanka caawa ee Arsenal iyo Liverpool ku dhexmaraya Emirates Stadium.

Sharuudaha Saadaasha

Saadaali natiijada ciyaarta ay ku dhamaaneyso & xiddiga dhalin doona goolka ugu horeeya*

Warbixintaan ku share-garee Facebook islamarkaana Like saar bogeena Facebook haddii aadan hore u saarin RIIX HALKAAN SI AAD LIKE U SAARTO.

Waa inaad sharuudahaan oo dhan buuxiso si aad ugu guuleysato abaalmarinta lacageed.

Wargelin dheeri ah

Saadaasha waxaad ku qortaa kaliya qeybta fekradaha ama comment ee warbixintaan. Ma tixgelin doono saadaal lagu qoray bog kale ama baraha bulshada sida Facebook.

Qofka ugu horeeya ee saadaasha saxda ah sameeya ayaa ku guuleysan doona abaalmarinta. Fadlan marka aad comment bixineyso isticmaal email-kaaga saxda ah si aan kuula soo xiriirno haddii aad guuleysato.

Saadaasha waxay ku eg tahay daqiiqad ka hor inta aysan bilaabanin ciyaarta.

*Saadaashaadu waa ay noqon kartaa 0-0

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More