Kooxaha Caawa Xaqiijistay U Soo Bixitaankooda Wareega 16ka

Advertisements

Sideed kulan ayaa la ciyaaray caawa wareega group-yada Champions League iyadoo la iska dhaliyay 26 gool taasoo muujineysa in kulamadii caawa la ciyaaray ay ahaayeen kuwa xiiso badan oo shabaqa la iska soo taabtay in badan.

Afar kooxood ayaa caawa xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League halka group-yada kale uu xiiso sii yeeshay tartanka kooxaha.

Chelsea iyo Sevilla oo kuwa jira Group E ayaa caawa noqday kooxihii ugu horeeyay ee u soo gudba wareega 16ka Champions League ka dib markii ay Sevilla 2-1 kaga badisay kooxda Ruushka ee Krasnador halka Chelsea ay 2-1 kaga badisay kooxda Faransiiska ee Rennes.

Advertisements

Waxaa iyagana sidoo kale soo gudbtay labada kooxood ee ku jira Group G ee Barcelona iyo Juventus ka dib guulo kala duwan oo ay gaareen. Barcelona ayaa si raaxo leh ku soo baxday ka dib markii ay 4-0 ku xasuuqday Dynamo Kyiv iyagoo 12 dhibcood ka helay afartii kulan ee ay ciyaareen oo ay wada badiyeen.

Juventus oo guul ciriiri 2-1 ka gaartay kooxda yar ee Ferencvaros ayaa iyadana ka soo baxday Group G madaama ay uruursadeen sagaal dhibcood halka Dynamo Kyiv iyo Ferencvaros ay hareen.

Group F ma jirto koox caawa soo baxday laakiin Zenit ayaa xaqiijisatay inay hartay markii ay guuldarro 3-1 kala kulmeen kooxda Lazio halka Borussia Dortmund oo 9 dhibcood ku hogaamineysa group-ka ay 3-0 kaga badisay Club Brugge oo afar dhibcood leh kuna jirta kaalinta 3aad iyadoo Lazio ay 8 dhibcood leedahay.

Group E

Krasnodar 1-2 Sevilla

Rennes 1-2 Chelsea Group F

Dortmund 3-0 Brugge

Lazio 3-1 Zenit Group G

Juventus 2-1 Ferencvaros

Dynamo Kiev 0-4 Barca Group H

Man Utd 4-1 Basaksehir ??

?? PSG 1-0 Leipzig

Advertisements

La Wadaag Asxaabtaada:WhatsAppEmailTweet Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan Cancel reply

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.

Halkaan Hoose Ku Qor Fekerkaaga

Magaca *

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More