Koox Jarmal Ah Oo Ku Maadeysatay Xiddiga Arsenal Granit

Kooxda Bundesliga ka dhisan ee Augsburg ayaa ku maadeystay xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Granit Xhaka kaasoo qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii shalay ee North London Derby.

- Advertisement -

Xiddiga reer Switzerland ayaa ka mid ahaa dhowr ciyaaryahan oo Arsenal ah kuwaasoo ku guuldareystay inay wacdarro dhigaan intii ay socotay kulankii ay Tottenham 2-0 ku badisay.

Waxay taasi keentay in looga sheekeysto baraha bulshada iyadoo taageerayaasha, khabiirada kubada cagta iyo ciyaartoydii hore ay dhaleeceeyeen qaab ciyaareedkiisa.

Taageere Manchester United ah ayaa Twitter ku weeraray Xhaka isagoo soo qoray: “Xhaka waxa uu ku heer yaahy kooxda Augsburg.”

Qoraalkaas ayaa soo jiitay dad badan oo ay ka mid tahay kooxda Bundesliga ka dhisan kuwaasoo ku jira kaalinta 10aad ee horyaalka ka dib sagaal kulan oo la ciyaaray.

Augsburg ayaa ka carootay in lala barbardhigo xiddiga Arsenal iyagoo u jawaabay taageeraha una qoray: “Waa inaad na ixtiraamto.”

Jawaabta ay bixisay Augsburg ayaa noqotay mid si weyn loogu wadaagay baraha bulshada.

Khabiirka Sky Sports Jamie Redknapp ayaa dhaleeceeyay 28 jirkaan isagoo yiri: “Waxaan ku dhibtoonayaa inaan arko shaqada uu qabto Xhaka.

‘Waxaan ka hadleynaa xiddig khadka dhexe oo Arsenal ah. Waxaan dooneysaa qof leh tayo iyo aragti.

“Marka aad eegto wacdarihii uu Hojberg u dhigay Tottenham, ma ahan kuwa la isbarbardhigi karo.”

Gary Neville ayaa isna sidoo kale weeraray Xhaka isagoo yiri: “Wuxuu galaa 800 qalad kulan kasta.”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More