Klopp ayaa furay: “Wuxuu isku dayay inuu tababaro, isaga

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa garaacay halyeeyga reer Jarmal Mehmet Scholl wuxuuna sheegay in laacibkii hore ee Bayern Munich uu ku guuldareystay inuu tababaro isla markaana uu aaday warshadaha baabuurta si uu uga shaqeeyo.

Klopp ayaa ka carooday hadalo ka soo yeeray Mehmet Scholl oo ku saabsan Edin Terzic, tababaraha cusub ee ku meel gaarka ah ee dhawaan loo magacaabay Borussia Dormund, kaasoo ahaa kaaliyaha Jurgen Klopp intii uu joogay Dortmund.

Mehmet Scholl, oo la hadlay wargeyska Jarmalka ee BILD ayaa ku tilmaamay Terzic mid aan haysan rikoodh badan, laakiin wuxuu sheegay inaysan jirin wax la taaban karo oo ku saabsan kartidiisa.

Jurgen Klopp ayaa si caro leh ugu jawaab celiyay Mehmet Scholl wuxuuna yiri: “Muxuu ula jeedaa Mehmet Scholl, waxay la mid tahay ka hadalka gaari la soo saaray.

“Mehmet Scholl wuxuu dareemayaa inuu ka hadlayo oo uu jabiyo tababarayaasha dhalinyarada Jarmalka. Waan necbahay hadalada noocan oo kale ah, laakiin wuxuu had iyo jeer ka hadlaa dad uusan aqoon.”

Jurgen Klopp ayaa Mehmet Scholl ku tilmaamay inuu ahaa mid “guuldaraystay” meel fagaare ah wuxuuna yidhi: “Wuxuu isku dayay inuu noqdo tababare, wuu kari waayey, hadana wuxuu ka hadlayaa sida uu aqoontaas u cunay”.

Mehmet Scholl wuxuu waayihiisa ciyaareed oo dhan kusoo qaatay Bayern Munich, wuxuu kula guuleystay sideed horyaal oo Bundesliga ah, shan koob oo German ah iyo Champions League.

Wuxuu ciyaaray 36 kulan xulka qaranka Jarmalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More