Khabiirka Garsoorka Spain Ee Andujar Oliver Oo Sheegay In
Real Madrid ayaa guusheedii koowaad ee Champions League xili ciyaareedkan gaadhay, waxaanay 3-2 kaga adkaatay Inter Milan oo ay laba gool kala hor martay laakiin barbarro kusoo gaadhay illaa uu waqti dambe kaga fujiyey da’yarka reer Brazil ee Rodrygo oo beddel kusoo galay.
Karim Benzema ayaa ciyaarta ku furay kubbad uu si qaldan kusoo dhiibay Achraf Hakimi oo bartilmaameedkiisii uu kubadda u waday uu ka leexiyey Ferland Mendy oo lugta geliyey, isla markaana tuuray, waxaanay kubaddaasi u tagtay Benzema oo isaguna usii jaray goolhayaha, shabaqana gaadhsiiyey.
Sergio Ramos ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 waxaana uu madax ku qabtay kubbad uu soo tuuray Toni Kroos, balse Nicolo Barella ayaa kubbad cidhibta ugu soo dhiibay Martinez oo isaguna shabaqa Real Madrid ku hubsaday laba daqiiqadood kaddib goolka Ramos dhaliyey.
Qaybtii labaad ayay Inter Milan la timid gool labaad oo uu u dhaliyey Perisic, waxaana ciyaarta oo 2-2 maraysa oo dhamaadkeedana 11 daqiiqadood ka hadhsan yihiin natiijada ciyaarta beddelay Rodrygo oo kubbad uu ka helay Vinicius Junior ku googtay lugtiisa midig, shabaqa Inter Milan na ku ruxay.
Intii ay ciyaartu socotay, waxay doodi ka taagnayd goolka koowaad ee Real Madrid ee uu Karim Benzema dhaliyey, taas oo u muuqatay in Ferland Mendy uu qalad ku galay Achraf Hakimi.
Juan Andujar Oliver oo ah garsoore hore oo waddanka Spain u dhashay ayaa idaacadda Marca waxa uu u sheegay in goolkaasi uu ahaa qalad laga galay difaaca Inter oo ay ahayd inuu garsooruhu u dhigo, isla markaana goolka meesha laga saaro.
“Waxa jiray qalad uu Mendy ku galay Achraf ka hor inta aanu ciyaartoyga Inter isku dayin inuu kubadda dib u celiyo.” Ayuu yidhi Juan Andujar Oliver.
VAR, calan-wadaha iyo garsooraha dhexe ayaanu midkoodna soo qaadin qaladka uu ku dooday garsoore hore Juan Andujar Oliver.
Si kastaba, Real Madrid ayaa haysata afar dhibcood, waxaanay fadhidaa kaalinta saddexaad ee Groupkan, iyagoo isku mid ah Shakhtar Donetsk oo iyaga si xun uga badisay, halka Borussia Monchengladbach ay hoggaainayso oo ay leedahay shan dhibcood. Inter Milan ayaa fadhida kaalinta ugu dambaysa oo laba dhibcood ka heshay saddexdii ciyaaarood ee ay dheeshay.