Keydka U Dhaadhiciya!! Jamaahiirta Juventus Oo Uu Ka Dhammaaday

Hoggaamiyaha weerarka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa awood u yeelan waayay inuu wax gool ah dhaliyo saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka Serie A, jamaahiirta kooxdaas ayaa u muuqda kuwo uu kasoo dhammaaday samirkii ay u hayeen.

Ronaldo ayuu goolkiisii ugu dambeeyay ee Serie A ahaa mid uu kasoo dhaliyay Napoli 7-dii bishan April, intaas kaddib ayuu saddex kulan shabaqa ka soomanaa halka uu kulan kale dhaawac ku seegay.

36 sano jirkaas ayaa si weyn uga cadhaysiiyay taageerayaasha kooxdiisa Bianconeri kulankii ay shalay bar-bardhaca 1-1 ka ah lasoo galeen Fiorentina kaddib markii uu fursad khasaariyay goolka oo furan.

Halkudhiga ah #Ronaldo ayaa ahaa mid aad looga isticmaalayay dalkaasi Talyaaniga iyadoo in ka badan 44,000 oo Tweet laga qoray kaddib fursadaas uqaadan-waaga ah ee uu Ronaldo lumiyay iyaga oo qaar kamida jamaahiirta Juve dalbanayaan in keydka la dhigo.

Bianconeri ayaa hadda booska afraad kaga jira kala sarreynta horyaalka iyaga oo saddex dhibcood ka sarreeya kooxda shanaad joogta ee Napoli walow kooxdaasi kulan baaqi u yahay.

Tababare Andrea Pirlo oo kulankii shalay kaddib hadlay ayaa ku adkaystay in Cristiano Ronaldo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Ronaldo ayaa wali ah gool dhaliyaha xilli ciyaareedkan ugu sarreeya Juventus oo uu 32 gool ugu soo dhaliyay 39 kulan tartamada oo dhan, taageerayaasha kooxdiisa ayaan ku qanacsanayn bandhigiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Your browser doesn’t assist the audio factor.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More