Kenyaati U Hanjabay Mohamed Salah Ka Hor Kulanka

10

Daafaca Kenya Joash Onyango ayaa sheegay inuusan walwal ka qabin halista Mohamed Salah ka hor kulanka ay xulkiisa Kenya ka horimaanayaan Masar.

- Advertisement -

Labada wadan ayaa Khamiista isaga horimaanaya kulan ka tirsan isreebreebka Koobka Qaramada Afrika iyadoo Masar ay haatan hogaamineyso Group G halka Kenya ay ku jirto kaalinta seddexaad.

Salah ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira xilli ciyaareedkan inkastoo kooxdiisa Liverpool ay liidato isagoo dhaliyay 17 gool oo Premier League ah, waxaana loo arkaa xiddigaha weerarka ee ugu halista badan dunida.

Laakiin Onyango ayaa u muuqda mid kalsooni ku qaba in isaga iyo asxaabtiisa xulka Kenya ay celin doonaan xiddiga reer Masar kulanka ka dhacaya Kasarani.

Isagoo u hadlayay shabakada Goal, wuxuu yiri: “Waan ognahay inay la yimaadeen xiddigahooda waa weyn, waan ognahay waxa uu Salah sameyn karo, waa ciyaaryahan fiican, waan aragnay isagoo kulamo u badinaya Liverpool laakiin ciyaartaan waxaas oo dhan waa ka duwan tahay, anigaa meel saari doona.

“Waan jeclahay inaan ka faa’ideysto fursadahaan oo kale sababtoo ah waxay i siineysaa fursad aan sarre ugu qaado heerkeyga. Anigaa Salah aamusin doona kaliya Salah ma ahan laakiin ciyaaryahan walba oo Masar ah oo ina soo weerara, meel ayaan ku xiri doonaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More