“Kani Waa Geesiga Nolosha Dhabta Ah!” – Qisada Miskiinkii

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay ‘geesiga nolosha dhabta ah’ kaddib markii uu bixiyey lacag siiyey nin hoy la’aan ah oo ay aflagaadaynayeen koox dad ah oo kaliya fiqiirnimadiisa iyo tuugsigiisa ku caayayey.

Bishii September ee dhowaanta dhamaatay, Mohamed Salah ayaa tegay kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Liverpool oo uu baabuurkiisa Patrol kaga shubanayay, waxaanu arkay nin hoy la’aan ah oo magaciisa lagu sheegay David Craig oo ay aflagaaddooyin u geysanayaan koox dad ah.

Salah ayay arrintani dhibtay, waxaanu ka degay baabuurkiisa isaga oo dadka ninkan aflagaaddada iyo hanjabaadda ku hayay weydiiyey waxa dhacay, waxaana uu uga digay dadkii dhibaatada ku hayey miskiinkan in ay iyagana ku dhici karto xalaaddan oo kale, waxaanu halkaas xoogaa lacag ah ku siiyey ninkii hoy la’aanta ahaa.

Arrintan ayaa laga ogaaday kaamirooyinka CCTV ee ku xidhnaa kaalinta, taas oo si cad uu uga soo muuqday Salah oo dadkii caayayay miskiinkan u caqli celinaya, isla markaana jeebadda gacanta geliyey oo lacag sadaqo ah gacanta ka saaray.

Ninkan miskiinka ah ayaa waxa markii uu muuqaalkani soo baxay u tegay wargeyska The Sun oo waraysi kasoo qaaday, waxaana Graig uu yidhi: “Mo waa qof cajiib ah sida uu ku yahay garoonka Liverpool. Waxa uu maqlay waxa ay koox dad ahi igu lahaayeen, wuu soo jeediyey, waxaanu ku yihi, ‘idinkuba sidaas oo kale waad noqon kartaan sannado yar gudahood’. Kaliya waxa aan ogaa inaan murugaysnaa markii uu Mo si layaable gacanta iiga saaray £100. Waa halyey dhamaystiran.”

Craig oo hadalkiisa sii wata, waxa uu sii sharraxay sidii xaaladdu ahayd markii uu Mohamed Salah goobta yimid, waxaanu yidhi: “Mo wuxuu arkay dadka oo i bahdilaya. Waxay iigu yeedhayeen magacyo, waxay i weydiinayeen sababta aan u tuugsanayo ee aan u shaqaysan waayey.

“Waxa aan arkay waxa dhacayay, waxbaanan ku idhi, kaddib waxa uu tegay mishiinka lacagta. Aad ayaan u farxay, taageere weyn ayaanan u ahay.

“Mo waa geesiga nolosha dhabta ah aniga aragtidayda, waanan u mahadcelinayaa.”

Arrintan ayaa waxay dhacday habeenkii ay Liverpool 3-1 kaga adkaatay Arsenal oo Mohamed Salah uu dhamaystay 90kii daqiiqadood ee garoonka Anfield.

Xiddiga reer Masar ayaa hore loogu ogaa inuu sadaqooyin badan bixiyo, waxaana uu waddankiisa ka dhisay xarumo caafimaad, iskuullo hablaha oo kali ahi dhigtaan iyo tabarucaadka joogtada ah, sida inuu damaanad qaaday lacagta ku baxaysa daaweynta iyo qalliinnada laacibka ay isku waddanka yihiin ee Moamen Zakira oo uu ku dhacay xanuun aan daawo lahayn oo ka asiibay neerfayaasha, kaas oo u diiday inuu mar dambe lugihiisa ku astaago.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More