Kane, Shaw Mise Sterling? Rio Ferdinand Oo Magacaabay Xiddigii Ugu
Halyeyga England ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay xiddigii ugu fiicnaa xulka qaranka England intii uu socday tartanka qaramada Yurub ee ay ciyaartii ugu dambaysay ee Finalka caawa la ciyaarayaan Talyaaniga.
Ingiriiska oo u dagaallamaya koobkiisii ugu horreeyey tan iyo 1966kii, waxa uu haystaa ciyaartooyo da’yar u badan oo wanaagsan, waxaana hormood u ah Harry Kane oo dhaliyahooda ah, Raheem Sterling, Maguire oo difaaca soo adkeeya iyo Luke Shaw oo isaguna bandhig heersare ah muujiyey.
Ka hor inta aan la gaadhin ciyaarta ugu dambaysa ee tartanka, halyeygii hore ee difaaca England ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay laacibka ugu fiicnaa xulka dalkaas intii uu socday tartanku.
Ferdinand waxa uu sheegay in laacibka garabka ka ciyaara ee Raheem Sterling oo dhaliyey saddex gool, sababna u ahaa guushii Denmark oo lagu galay rikoodhe uu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsanaa intii uu tartanku socday.
Inkasta oo Harry Kane uu isaguna dhaliyey afar gool oo kaliya ay ka sarreeyaan Cristiano Ronaldo iyo Patrick Schick oo min shan gool saxeexay, haddana Ferdinand waxa uu laacibka ugu wanaagsan u doortay Sterling oo saddex gool saxeexay.
Labadan ciyaartoy ayaa la filayaa inay kusoo bilowdaan ciyaarta caawa ee finalka Euro ee ay ka hor tegayaan Talyaaniga, waxaana haddii uu Kane dhaliyo laba gool uu ku guuleysan doonaa kabta dahabka ah.