Kaddib Dhaawacii Carvajal, Maxaa Ka Dhacay Garoonka Tababarka Actual
Actual Madrid ayaa heshay battle aanay ku farxin oo u xaqiijiyey in difaaca midig ee reer Spain ee Dani Carvajal uu soo gaadhay dhaawac kale saddex kulan oo kaliya markii uu ciyaaray, waxaana uu dhaawaciisa cusub oo muruqa ah ku maqnaan doonaa inta ka hadhay xilli ciyaareedka.
Carvajal ayaa xilli ciyaareedkan ay dhaawacyo daashadeen, waxaana kaliya uu kooxdiisa ugu soo bilowday 15 ciyaarood, waxaase Los Blancos oo ay kulamo xaasaasi ah kusoo beegan yihiin aanay sidoo kale haysanin Lucas Vazquez oo booskaas ka ciyaarayay inta badan xilli ciyaareedkan.
Kaddib warbixinta dhaawaca Carvajal, maxaa ka dhacay garoonka tababarka Actual Madrid?
Ciyaaryahanadda kooxda ayaa yimid xarunta tababarka Actual Madrid si ay iskugu diyaariyaan kulanka Osasuna ee Sabtida iyo ciyaarta kale ee adag ee ay safarka ugu tegayaan magaalada London kooxda Chelsea oo lugta labaad ee semi-finalka Champions League ay la ciyaari doonaan usbuuca dambe.
Tababare Zinedine Zidane oo ka walaacsan xaaladda dhaawac ee kusoo korodhay kooxdiisa, ayaa waxa ka farxiyey in kabtan Sergio Ramos uu soo galay garoonka tababarka, isla markaana uu si caadi ah ciyaartoyda kooxda ula qaatay tababar buuxa, isagoo kasoo kabtay dhaawac muruqa ahaa oo kasoo gaadhay kulamada caalamiga ah.
Laakiin Zidane oo filayay in uu sidoo kale tababarka yimaaddo Ferland Mendy ayaan si buuxda taam usoo noqonin, waxaanay Mendy iyo Fede Valverde jimicsiyo ku qaateen qolka lebbiska, waxayse warbaahinta Spain sheegayaan in maalmaha soo socda ay soo laabanayaan.
Actual Madrid ayaa waxa kale oo tababarkii maanta ka maqnaaday Nacho Fernandes oo ahaa laacibkii difaaca usii adkeeyey waqtigii uu Ramos dhaawaca ku maqnaa, wuxuu se taam u noqon doonaa ciyaarta Chelsea.
Sidee ayuu Zidane ku xallin doonaa dhibaatada difaaca haddii kulanka Chelsea ay wada maqnaadaan Carvajal oo xilli ciyaareedka macasalaameeyey iyo Ferland Mendy?
Sergio Ramos wuxuu beddel ku iman doonaa kulanka Osasuna sida ay warbaahinta SPain sheegayaan, si uu u helo kalsooni iyo taam ahaansho jidheed oo buuxa oo uu ku waajaho Chelsea.
Ramos oo taam u noqda kulanka Chelsea, waxa uu Zidane difaaca dhexe ka wada ciyaarsiin doonaa Raphael Varane iyo Sergio Ramos, waxaana difaaca midig ee uu ka dhaawacmay Carvajal ka ciyaari doona Eder Militao, halka dhinaca bidixna uu tegi doono Nacho Fernandes.