“Kabahayga Ayaan Cuni Doonaa Haddii…” – Saadaashii Waalida Ahayd Ee

Halyeeyga ree Netherlads ahna xiddigii hore ee kooxaha PSV, Arsenal, Man United iyo Fenerbahce ee Robin Van Persie ayaa shaaca ka qaaday aragtidii ugu horreysay ee uu arkay mucjisada Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe iyo saadaashii uu ka sameeyay wakhtigaas.

Van Persie ayaa ogaa inuu Mbappe yahay da’yar mustaqbal fiicani ka horreeyo isla markaana halka ugu sarreysa ee kubadda cagta u socda kaddib markii uu daawaday qaab ciyaareedkiisa 20 daqiiqo oo kamid ahaa kulan saaxiibtinimo oo kooxahooda dhex maray.

Dhaliyihii hore ee Man United iyo Arsenal ayaa markaas uu ku biiray kooxda Turkish-ka ah ee Fenerbahce markii uu kahor tagay Mbappe oo aad u yar oo AS Monaco ka tirsanaa.

Mbappe oo hadda 22 sano jir ah isla markaana wacdarro ku dhigaya Paris Saint-Germain ayaa ahaa mid markaas uun laga soo dalacsiiyey akaademiga Monaco.

Van Persie oo ka warramaya markii ugu horreysay ee uu arkay Mbappe oo aysan cidi aqoon badan u lahayn iyo balantii uu qaaday ayaa yidhi “Kaddib markii aan Ma United uga tagay Fenerbahce, waxaanu tagnay xero tababar oo Switzerland ku taala kahor intii uusan xilli ciyaareedku bilaabmin”

“Waxaan xasuustaa anaga oo joogna magaalada Lausanne, halkaas oo ay kooxdu soo diyaarisay kulan saaxiibtinimo oo aanu Monaco kaga hortagaynay”

“Waan ogaa inaan ilaa 70 daqiiqo ciyaari doono, wax yar kahor markii la i bedelay wiil yar ayaa usoo galay Monaco, magaciisu waxa uu ahaa Mbappe Yurubna wali qofi ma maqal”

“Waxaanu ku ciyaaraynay garoon aan aad u fiicnayn oo ay leedahay koox heer dhexe ah oo magaaladaas ahi, laakiin 20 kaas daqiiqo ee uu ciyaaray, waxa uu ahaa mid si aad u cajiib ah u fiican, mid xirfad badan, wuxuu ahaa bandhig heer kale ah”

“Waxaan go’aansaday inaan daawado daqiiqad kasta oo uu samaynayo, waan eegay waxaanan ku idhi dhammaan kuwii kale ee keydka fadhiyay ‘Haddii uusan wiilkan yari xiddig caalami ah noqon, waxaan cuni doonaa kabahan kubadda cagta ee aan gashanahay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More