Juventus Oo Laga Caydhinayo Gebi Ahaanba Horyaalka Talyaaniga Ee Serie
Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa madax xanuun kale ku habsaday xilli ay la murugaysan yihiin guul-darradii xanuunka badnayd ee xalay kasoo gaadhay AC Milan oo dhaawac gaadhsiisay fursaddii ay kooxdani kaga soo qayb-geli lahayd tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.
Previous Girl ayaa ka mid ahayd kooxihii bud-dhigga u ahaa tartanka fashilmay ee Tremendous League, laakiin waxay wali kusii adkaysanaysaa in aanay ka baxayn mashruucaas si la mid ah Actual Madrid iyo Barcelona.
Kooxahan ayaa ka walwalsan in qorshahooda oo fashilma ay kaga lumayso lacgo malaayiin ah, isla markaana waxay kusii taagan yihiin in aanay ka laaban doonin, inkasta oo UEFA ay xaqiijisay in dhamaan sagaalka kooxood ee kale ee Man Metropolis, Liverpool, Man United, Arsenal, Chelsea, Tottenham, Inter Milan, Atletico Madrid iyo AC Milan ay ka laabteen ka mid noqoshada mashruucaas aanay saxeexeen qaraar ka xaaraantimaynaya in ay mar kale ku laabtaan, iyagoo waliba bixinaya ganaax.
UEFA ayaa waxay toddobaadkan horraantiisii sheegtay in saddexdan kooxood ee Actual Madrid, Barcelona iyo Juventus ay ka qaadi doonto tallaabo adag, waxayse saddexdooduba kaga jawaabeen in aanay aqbalayn hanjabaad iyo culays sharci darro ah oo UEFA iyo FIFA saaraan.
Si kastaba, Juventus ayaa hadda murugo kale la kulantay, waxaana tallaabadii ugu horreysay qaadaya xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga oo shaaciyey in gebi ahaanba ay kooxdan ka caydhinayaan horyaalka Serie A.
Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga oo lagu magacaabo Gabriele Gravina ayaa waxa uu xaqiijiyey, in Juventus ay ka saari doonaan, qaybna aanay ka noqon doonin horyaalka dalkaas haddii ay kasii mid ahaato Tremendous League.
Gabriele Gravina oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Haddii marka la samaynayo isku-aadka xilli ciyaareedka cusub ee Serie A aanay ka bixin Tremendous League, Juventus waa laga saarayaa horyaalka.
“Waxa jira sharci caddaan ah oo qeexan, kaas oo ka turjumaya qiyamka xidhiidhka.”