Juventus Oo Heshiis La Gaarey Xiddigii Kooxaha Premier League

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa  ku guuleysatay saxeexa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Talyaaniga ee Manuel Locatelli oo ay kala soo saxeexatay Sassuolo, kaddib bilo wada-xaajoodyo ah oo aanay labada dhinac kala fogeyn.

Locatelli oo ay doonayeen kooxaha Ingiriiska ee Arsenal iyo Liverpool ayaa waxa uu maalmaha soo socda ka degi doonaa garoonka Allianz Stadium, kaddib markii ay Juventus ogolaatay in ay heshiis amaah sannad ah ku bixiso laacibkan, laakiin ay Juve qasab ku tahay in ay xagaaga dambe si rasmi ah u iibsato Locatelli oo ay bixiso €35 milyan oo Euro.

Juventus oo xilli ciyaareedkii hore lumisay horyaalka Serie A oo ay sagaalkii sannadood ee ka horreeyey si xidhiidh ah ugu guuleysatay ayaa waxay dedaal badan ku bixinaysay muddo bilo ah sidii ay u heli lahayd Locatelli, si uu uga xoojiyo khadka dhexe oo ay dib usoo ceshan karaan horyaalnimadooda.

Arsenal oo ahayd kooxda labaad ee sida weyn loola xidhiidhinayay 23 jirkan ayaa waxa ka hiiliyey Locatelli oo ka doortay Allianz Stadium, taas oo keentay in Bianconeri ay ku guuleysato qorshaheedii ahaa sannad amaah ah iyo iibka oo sannad kaddib dhacaya.

Juventus ayaa waxa kale oo ay Sassuolo siin doontaa €5 milyan oo Euro oo sannadka amaah ah, halka ay €30 milyan oo kalena iibkiisa rasmiga ah lagu qiimeeyey.

Manuel Locatelli ayaa Juventus u saxeexi doona heshiis shan sannadood ah, waxaana kaliya la sugayaa in heshiiskiisa lagu dhawaaqo marka uu laacibkani u duulo magaalada Turin ee uu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More