Jurgen Klopp Oo Go’aan Ka Gaartey Suuqa Iibka Bisha January

Liverpool ayay ku habsatay musiibo dhaawacyo ah oo khadka dambe ee difaaca ah, waxaana mar kaliya is-wada raacay saddex ciyaartoy oo hal mar garoonka soo wada geli jiray.

Labadii difaac dhexe ee Virgil van Dijk iyo Joe Gomez ayaa ku daayay oo xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya, sidoo kale Alexander-Arnold ayaan garoomada lagu arki doonin ilaa dhamaadka bisha December.

Boosaska ugu daran ayaa ah difaacyada dhexe ee Joe Gomez oo ka daba tegay Van Dijk oo bishii hore dhaawacmay, isla markaana aan dib ugu soo laaban doonin xili ciyaareedkan. Waxa labadoodaba lagu sameeyey qalliino aan u suurtogelinayn inay si degdeg ah usoo kabtaan. Van Dijk wuxuu jiifi doonaa illaa bisha July, halka Gomez uu tigidh lix bilood ah goostay oo illaa bisha May ee sannadka dambe uu jiifi doono.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ku jira xilli madax-xanuun ah oo aan haysanin cid u buuxisa boosaskan, waxaanu xulanayaa ciyaartooyo aan khibrad lahayn maadaama Matip oo dhaawacyadiisu badan yihiin uu yahay difaaca dhexe ee kaliya ee la garanayo ee kooxda jooga.

Laakiin Jurgen Klopp niyad-samaan iyo kalsooni midna kuma qabo difaaca reer Cameroon, waxaanay sababtu tahay in marka horeba aanay tayadiisu gaadhsiisnayn heerka uu doonayo iyo tan labaad oo ah inuu yahay mid dhaawacyada u nugul.

13kii bilood ee ugu dambeeyey ayuu kaliya saddex ciyaarood oo horyaalka ah kusoo bilowday, waana daliilka ugu weyn ee muujinaysa in aanu wax kalsooni ah ku qabin.

Sida ay wargeysyada waaweyn ee Ingiriisku qoreen, tababaraha reer Germany ayaa go’aan buuxa ka qaatay suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, kaas oo markii hore uu qorshihiisu ahaa in aanu wax difaacyahanno ah lasoo saxeexanin.

Jurgen Klopp ayaa go’aan ku gaadhay inuu lasoo saxeexdo difaac dhexe, waxaanay doorashadiisa koowaad tahay da’yarka reer Turkey ee Ozan Kabak oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey bandhig wanaagsan ka samaynayay kooxda Schalke 04.

20 jirkan ayuu Klopp u arkaa inuu qiimo ahaan ka jaban yahay difaacyahannada kale, sida Kalidou Koulibaly oo isaga naf ahaantiisana uu fiiriyo haddii uu fursad ka heli karayo Napoli inkasta oo ay adag tahay.

Dayot Upameano oo ah 22 jir Faransiis ah ayuu isagana tababare Jurgen Klopp daraasaynayaa sida ay suurtogalka ugu noqonayso inuu kala soo wareego kooxda reer Germany ee RB Leipzig.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More