Jurgen Klopp ayaa ugu yeeray Thiago “qashin”

Jurgen Klopp ayaa ku tilmaamay eedeymaha loo soo jeediyay kubadsameeyaha kooxda Thiago Alcantara inay yihiin “qashin” isagoo qaar ka mid ah ku eedeeyay inay sabab u tahay hoos u dhaca kooxda.

- Advertisement -

Thiago ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay Liverpool 2-0 kaga badisay RB Leipzig wareega labaad ee 16 jirkooda Budapest, halkaasoo ay Reds ku badisay 4-0 guud ahaan.

Reds ayaa laga badiyay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana ay badisay kaliya lix jeer tan iyo markii ciyaaryahanka reer Spain uu ka soo laabtay dhaawac isla markaana uu boos joogto ah ka helay December.

Thiago Alcantara ayaa ka ciyaaray khadka dhexe xalay, iyadoo Fabinho uu ku soo laabtay safka koowaad ka dib markii uu ka maqnaa daafac tan iyo bishii October.

Isbadalka ayaa keenay qaab ciyaareed cajiib ah oo uu sameeyay Thiago, laakiin xiddiga shaki la’aan ah ee Liverpool, kaasoo markii dambe la gudoonsiiyay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka, wuxuu ahaa Fabinho waxayna umuuqataa in kusoo laabashadiisa qaab ciyaareedka ay soo celisay qaab ciyaareedkii Liverpool

Ciyaarta ka dib, tababare Jurgen Klopp ayaa ka hadlay ciyaartoydiisa wuxuuna difaacay Thiago wuxuuna yiri: “Thiago wuu fiicnaa, dhammaantood way fiicnaayeen.

“Markii uu soo galay Naby Keita waan soo fiicnaannay wuuna na caawiyey.

“Laakiin waxaan u maleynayaa markaad fiiriso waxqabadka Liverpool ee kooxda Jarmalka, dadku waxay dhihi doonaan in dhibaatadu tahay Thiago ama wax uun, taasina waa qashin.

“Marka ciyaartoydu cusub yihiin, waxay u baahan yihiin waqti ay kula qabsadaan garoonka ciyaarta, laakiin Thiago uma baahna waqti.

“Isbuucba usbuuc ayuu sii fiicnaanayaa. Kani maahan mashruuc muddo-gaaban ah, waa mashruuc muddo dheer socday aadna wuu u fiicnaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More