JOOJIYA TIRINTA! Koox Ku Maadeysatay Donald Trump Ka Dib
Southampton ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League markii ugu horeysay abid, waxayna go’aansadeen inay ku maadeystaan madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyagoo maamuusayay taariikhda ay dhigeen.
Southampton ayaa 2-0 kaga badisay Newcastle xalay oo Jimce aheyd ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Che Adams iyo Stuart Armstrong.
Ciyaarta ka dib, waxay soo dhigeen Twitter sawirka kala sareynta horyaalka Premier League oo muujinaya iyagoo hogaanka ku haya 16 dhibcood islamarkaana farqiga goolasha kaga sareeya Liverpool.
Waxay cinwaan uga dhigeen iyagoo far waa weyn ku soo qoray: “JOOJIYA TIRINTA” iyagoo ku maadeystay Donald Trump kaasoo Twitter ku soo qoray habeenkii Khamiista “Joojiyo Tirinta” ka dib markii Joe Biden uu kaga hormaray tirinta codadka doorashada madaxweynaha.
STOP THE COUNT pic.twitter.com/rS94knWEhO
— Southampton FC (@SouthamptonFC) November 6, 2020
STOP THE COUNT!
STOP THE COUNT!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) November 5, 2020
Wariyaha Sky Sports Kelly Cates ayaa xitaa ku soo biirtay kaftanka iyadoo sheegtay in taageerayaasha Southampton ay rajeyn lahaayeen in xilli ciyaareedka la gabagabeeyo haatan.
Taageerayaasha kubada cagta ayaa ka falceliyay sawirka iyo qoraalka ay Southampton soo dhigtay Twitter ee ay ku maadeysteen Donald Trump.
Never thought I’d be a Southampton fan, but this did it ?? https://t.co/RbAIDtJO2z
— Larry Nance Jr (@Larrydn22) November 6, 2020
Larry Nance Jr ayaa soo qoray: “Waligeey kuma fekerin inaan noqonayo taageero Southampton, laakiin tani ayaa iga dhigtay”
Give whoever runs @SouthamptonFC a raise right now. https://t.co/OdBulV1Fmy
— Franklin Leonard (@franklinleonard) November 6, 2020
Franklin Leonard ayaa isna yiri: “Mushahar kordhin haloo sameeyo qofka maamulka bogga Twitter ee Southampton”
You know It’s bad when soccer teams make fun of you https://t.co/TGLmYSWUQs
— Mike Ahern (@MikeAhern10) November 6, 2020
Mike Ahern ayaa isna yiri: “Waad ogtahay inay xaalada xun tahay marka kooxaha kubada cagta ay kugu maadeystaan.”