Joe Cole Oo Tilmaamay HAL Arrin Oo Chelsea Ay Ku Garaaci Doonto

Halyeygii hore ee Chelsea ee Joe Cole ayaa tilmaamay halka laga go’aamin doono kulanka finalka FA Cup ee Chelsea iyo Leicester Metropolis ee Sabtida ay ku wada ciyaarayaan garoonka Wembley.

Blues ayaa raadinaysa koobkii ugu horreeyey ee ay ku guuleysato tan iyo sannadkii 2018 oo ay horyaalka qaadday, waxaana haddii ay FA Cup ka qaaddao Leicester Metropolis ay u noqon doontaa koobkii ugu horreeyey ee tababare Thomas Tuchel uu la qaado Blues iyadoo sidoo kalena uu u ahaa finalkii ugu horreeyey ee uu kooxdan ku hoggaamiyey ka hor intii aanu geynin finalka Champions League ee ay Man Metropolis la ciyaari doonaan dhamaadka bishan.

Labadan kooxood ayaa marka ay finalka ku kala baxaan, waxay saddex maalmood kaddib iskaga hor iman doonaan kulan ka tirsan horyaalka Premeir League oo koox walba ay kaga xidhan tahay rajadooda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Halyeygii Chelsea ee Joe Cole oo ka hadlay kulanka finalka FA Cup ayaa sheegay in Chelsea ay ku guuleysan doonto koobkan, sababtuna ay tahay in ay jirto hal boos oo ay aad ugu xooggan tahay oo ay ku dili doonto Leicester.

Cole ayaa yidhi: “Dhab ahaantii waxa uu noqon doonaa kulan lagu dagaallamo xeelad iyo taatiko, waxaana xiise yeelan doona in la arko waxa ay samayso Leicester.”

N’Golo Kante ayaa ka hor tegaya kooxdiisii hore ee Leicester Metropolis, waxaanay toos u dagaallami doonaan James Maddison oo ay tahay in uu joojiyo, si aanu kubadda u gaadhsiinin Iheanacho iyo Jamie Vardy.

Cole oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Leicester waxay haysataa ciyaartooyo sare, waxa aanan ka helaa Fofana oo ah mid adag oo orod badan. Laakiin ciyaartoyda khadka dhexe ee orodka badan ee Chelsea, sida Christian Pulisic, Mason Mount iyo Timo Werner iyo cid kata oo ciyaarta ayaa noqon doona kuwa guuleysta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More