Jamie Redknapp wuu ka qoomameynayaa qaladkaas

Jamie Redknapp ayaa todobaadyo ka hor ka laabtay weerar uu ku qaadi lahaa kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa qaab ciyaareed liita ku bilowday xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya dhaliyay 3 gool oo premier League ah ka hor inta uuna dhalin 2021.

Khabiirka Sky Sport ee Jamie Redknapp, oo ka hadlay Aubameyang bishii la soo dhaafay kadib guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Man City, ayaa 31 jirkan ku tilmaamay mid hadh u ah ciyaartoygiisii ​​hore.

“Waqtigii ugu fiicnaa ee Aubameyang wuu dhammaaday,” ayuu yiri Redknapp. “Mararka qaar wuxuu dhaliyaa goolal, laakiin markaan fiiriyo, wuxuu umuuqdaa laacib awooddiisa lumisay.

“Markii ugu horaysay ee uu yimaado Premier League, waxaan arkay isagoo ordaya daafacyada, wuxuu sidaa ku ahaa Dortmund laakiin hada wuxuu noqday laacib ay u hanjabaan daafacyadu”.

Tan iyo kulankaas, Aubameyang wuxuu dhaliyay seddex gool afar kulan oo uu ciyaaray, mana jiro ciyaaryahan Premier League ah oo dhaliyay goolal ka badan tan iyo 9-kii Janaayo tartamada oo dhan.

Kahor kulanka maanta ee North London Derby, Redknapp wuu ka qoomameeyay hadalkiisii ​​hore, isagoo qiraya inuu qaldanaa oo aflagaadeeyay Aubameyang.

Redknapp wuxuu yidhi: “Wixii aan idhi waxay ahaayeen xushmad daro.”

“Markii aan daawaday Manchester City, waxba iima qaban. Ma aanan arkin ciyaaryahan ordi kara, ma aanan arkin laacib baahi weyn u qaba waqtigaas.

“Waqtigaasna, waxay la mid ahayd in taageerayaasha qaar ay dalbanayeen inuu ka tago kooxda.

Way iga qaldanayd, waxay ahayd ixtiraam la’aan, taas beddelkeedana hadalkeygii maxaa yeelay ciyaartoy badan oo isla looga ciyaarayo ma hadlin … anigu ma hadlayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More