Jamie Carragher Oo Xushay SHANTII Xiddig Ee Ugu Adkaa Ee Uu
Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa soo xushay shanta xiddig ee ugu adkaa ee uu kahor tagay waayihiisii ciyaareed isaga oo doortay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi balse si lama filaan ah liiska uga reebay hoggaanka Juventus ee Cristiano Ronaldo.
Carragher ayaa kahor tagay qaar kamida xiddigaha ugu fiican kubadda cagta abid, isaga oo 16 sano heerka ugu sarreeya kasoo ciyaarayay isla markaana 737 kulan oo kulamo ah soo ciyaaray.
Haatan Carragher oo sidoo kale 38 kulan oo caalami ah usoo ciyaaray qaranka England ayaa hadda TEAMtalk uga warramay shanta xiddig ee ugu adag ee uu kahor tagay.
Jamie ayaa doortay halyeeygii kubadda cagta Talyaaniga ee Paolo Maldini, John Terry oo uu Chelsea kaga hortagay, halyeeyga Barcelona ee Xavi Hernandez, Lionel Messi iyo Theirry Henry oo lagu dacaadayeedo inuu in badan kusoo dhibtooday kahor tagistiisa.
Carra oo Maldini ka hadlayay ayaa ugu horreynba TEAMtalk u sheegay “Waxaan isaga kaga hortagay Final-ka Champions League, waligay ma ilaawi doono inuu kulanka kahor waraysi bixiyay oo uu aniga igu xusay”
Markale Jamie oo Terry ka faaloonaya ayaa yidhi “Isagu asaasi ahaan waxa uu ahaa noocayga oo iga wanaagsan daacad ahaantii, waxaan filayaa in awoodiisii kubadda cagta aan aad loo weyneyn, waxa uu ahaa ciyaaryahan cajiib ah”
Carragher oo ka aragti dhiibanaya Xavi ayaa yidhi “Waxaan filayaa in isagu yahay khadka dhexe ee ugu fiican abid ee aan ka fikiri karo, haddii aad igu odhan lahayd dooro khadkaaga dhexe ee ugu fiican waxaan dooran lahaa Xavi”
“Waa inuu liiskaas ku jiro, waxaan isaga kahor tagay markii uu yaraa ee uusan hubaashii ahayn Messi-gii Pep Guardiola, laakiin waxaanu anagu (Liverpool) kahor tagnay Barcelona oo hoggaaminaysay Yurub 2006-kii” ayuu Carragher ka yidhi Messi.
Ugu dambayn isaga oo Henry ka hadlaya midka 1-aadna u xushay ayuu yidhi “Qofkasta wuu filanayay midkan, waxaan filayaa in dadku badi ay igu raaci doonaan inaan idhaahdo isagu waa ciyaaryahankii ugu weynaa ee abid ka ciyaaray Premier League”