Jack Wilshere Oo Ka Hadlay Bahdilka Uu Mikel Arteta U

Xiddigii hore ee Arsenal Jack Wilshere ayaa qiraty inuu la yaabay go’aankii uu Mikel Arteta kooxda uga saaray Mesut Ozil xilli ciyaareedkan.

Ozil oo Gunners uga soo biiray Real Madrid bishii September ee 2013 ayaan u ciyaarin kooxda tan iyo 7dii bishii March, iyadoo Arteta uu go’aansaday inuu xiddiga Jarmalka ka reebo liiska ciyaartoyda Gunners ee Premier League iyo Europa League.

Inkastoo ay jirto xan ku saabsan in labada nin ay dhanka fekradaha ku kala duwan yihiin hadana Arteta ayaa mar walba ku difaacayay go’aankiisa inuu yahay mid kubadeed.

Si kastaba, Wilshere oo haatan baadigoob ugu jira koox cusub ka dib markii uu ka tagay West Ham bishii la soo dhaafay ayaa qirtay inuu ku dhibtoonayo inuu fahmo sababta Ozil looga saaray kooxda isagoo sheegay inuu xiddiga Jarmalka yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid ka garab dheelay.

“Haa waan la yaabanahay go’aanka Arteta, sababtoo ah waan la ciyaaray Ozil, waana jeclaan jiray inaan la dheelo isaga” ayuu Wilshere u sheegay ITV.

“Waan ku riyaaqayay ka garab ciyaaristiisa, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee aan abid ka garab dheelay, sidaasi darteed la yaab ayay igu aheyd go’aanka Arteta. Laakiin sida muuqata waxaa jira waxyaabo aynan ogeyn sababtoo ah xiddig tayadiisa oo kale leh waa qasab inuu dheelo.

“Waxaan aaminsanahay inuu boos ka heli karo koox walba oo Premier League ah, taasi waa fekerkeyga, waana wax adag inaan xitaa fursad loo siinin inuu u tartamo booskiisa.

“Laakiin waa qasab inay jirto sabab, ma garanayo sababta”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More